Qaramada Midoobey Oo Dalal Shisheeye ku Eedeysay Jebinta Cunaqabateynta hubka Ee Saaran Liibya.
Gebo Gebo News

November 8th, 2019
Qaramada Midoobey Oo Dalal Shisheeye ku Eedeysay Jebinta Cunaqabateynta hubka Ee Saaran Liibya.

Baaritaan aan wali la shaacin oo ay Qaramada Midoobey sameysay ayaa ku eedeysay waddamada Urddun, Turkiga iyo Imaaratka Carabta inay si joogto ah u jebinayaan cunaqabateynta ah ee saaran dalka Libya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramay in tallaabadaas ay ku lug leeyihiin ciidammo ka socdo Chad iyo Suudaan oo ku sugan Libya.

Warbixinta Qaramada Midoobey oo ay aragtay AFP ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhinacyada ku dagaallamayo Libya ay helaan hub, taageero dhanka farsamada ah iyo taageero ay ka helayaan dagaalamayaal shisheeye.

Baaritaanada oo xaqiiq ah ayaa lagu wadaa in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka doodaan dabayaaqada bishan.

Arbacadii ayay aheyd markii BBC-da laanteeda Af-Carabiga ay sheegtay in waddanka Imaaraadka Carabta uu haatan ku socdo baaritaan la xiriira weerar lagu qaaday muhaajiriin ku sugnaa Libya kaddib markii diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalalka shisheeye ay duqeyn ku qaadday halkaas, waxaana weerarkaas ku dhintay 53 qof oo muhaajiriin ah kuwaas oo ku sugna xeryo ku yaal Libya.

Dowladda Imaaraadka ayaan wali ka hadlin arrintaasi.

Qaramada Midoobey waxay weerarkaasi ku tilmaantay in uu noqon karo dambi dagaal.

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

113 Views




Features

  • Daawo:Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliland Oo Sheegay Inay Ilaalada Gudoomiye Cirro Toogteen Askari Boolis  Ah.
  • Daawo:Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Taageero Umuujiyey Banaan-baxa Gudoomiyaha Xisbiga Wadaani Ugu Baaqay Taageerasha Xisbigaasi Ee Gobolda Dalka.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES