Madaxweyne Erdogan Oo Ku Wajahan Mareykanka Si Uu Ula Kulmo Madaxweyne Trump.
Gebo Gebo News

November 12th, 2019
Madaxweyne Erdogan Oo Ku Wajahan Mareykanka Si Uu Ula Kulmo Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

 

 

Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka arrinsan doona dhammaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, gaar ahaan waddanka Suuriya, sida ay sheegtay waaxda isgaarsiinta ee xukuumadda Ankara.

 

 

Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

 

 

 

Erdogan ayaa Arbacada la kulmi doona Trump Inta uu Erdogan booqashada ku joogo Mareykanka wuxuu khudbad ka jeedin doonaa kulanka bulshada ganacsatada ee ka dhacaya waddankaas.

 

 

Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmi doona jaaliyadda Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Mareykanka.

 

 

Booqashadan ayaa daba socota heshiiskii ay Mareykanka iyo Turkiga kala saxiixdeen 7-dii bishii October ee dhigayay in xoogagga kurdiyiinta ee YPG ay si nabad ah dib uga gurtaan waqooyiga bari ee Suuriya, gaar ahaan meesha uu Turkigu damacsan yahay inuu ka sameeyo aagga ka caaggan dagaallada.

 

 

 

Turkiga ayaa urur argagixiso ah u aqoonsan kooxdaas oo mar xulafo la ahayd Mareykanka.

 

Turkiga ayaa Kurdiyiinta Suuriya u aqoonsan argagixiso 
Labada Waddan ayaa hadallo kul kulul isweydaarsaday markii ay Milatariga Turkigu 9-kii October billaabeen howlgalkooda gudaha Suuriya.

 

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii Turkiga uu tallaabo aan loo meel dayin qaado ka dib go’aankii lama filaanka ahaa ee ciidammada Mareykanka ay uga baxeen waqooyi bari ee Suuriya.

 

 

Qoraallo uu xanaaq badan ka muuqdo oo is daba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka isagoo difaacay tallaabdaasi oo la aamisan yahay inay waddada u furi karto weerar Turkigu uu ku qaado dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee xadka dhinaca Suuriya ku sugan.

 

 

Go’aanka uu Trump ciidammadiisa kula soo baxay waxaa xitaa si weyn u cambaareeyay masuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.

 

 

Kurdiyiinta ayaa bixitaanka ciidammada Mareykanka ku tilmaamay inay tahay “waran dhabarka uga dhacay”.

 

 

Turkiga ayaa dhankooda caro weyn ka muujiyay hab dhaqanka Mareykanka iyo sida uu Trump uga falceliyay howlgalka Milatari.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

98 Views




Features

  • Daawo:Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Gaadhi ku Wareejiyay Masuuliyiinta Degmada Salaxlay.
  •  Daawo:Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Mashaaric Isugu Jira Dhismayaal Iyo Gaadiid.
  • ” Madaxweyne Yaanu Gacantaada Ku Burburin Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye-nimada Wareeji ” Siyaasi Cawil Quule.
  • Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES