XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland
Gebo Gebo News

December 10th, 2019
XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland

XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland.

Ilo’ xog-ogaal ah oo ku sugan Garoowe, ayaa Shebekada BurcoOnline.com U Xaqiijiyey inay dabada ka riixayso mooshin xubinnimada Baarlamanka looga saarayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka, ayaa la xaqiijiyay in ay saxiixeen mooshinka, oo ay ku qoran yihiin eedaymo ka dhan ah xil. Cabdixakiin Dhoobo, islamarkaana Golaha looga dalbanayo in ay xasaanadda ka qaadaan mudanahaasi, oo kulamada Baarlamanka ka maqnaa tan iyo markii 7-dii November ee sannadkan xilkii looga qaaday mooshin ay soo abaabushay madaxtooyada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda diyaarsatay kooram ku filan,si ay xubinnimada Baarlamanka uga saarto xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed, kadib markii ay mudanayaasha ku qancisay in xildhibaankaasi ku hawllanyahay dhismaha dowlad goboleed cusub oo ka madax-bannaan Puntland.

Mudane Dhooba-daareed, oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, ayaa maalmahan halkaasi ka waday dhaqdhaqaaq la xiriira, in maamul goonniya oo Puntland iyo Somaliland ka madax-bannaan loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana la sheegaya in uu Addis shirar kala duwan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jaaliyadaha SSC ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

124 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES