Maxaa warbixinaha qaramada midoobay looga been sheegaa xaaladda Somalia ? Qalinkii Cali Hassan
Gebo Gebo News

December 12th, 2019
Maxaa warbixinaha qaramada midoobay looga been sheegaa xaaladda Somalia ?  Qalinkii Cali Hassan

Ilaa tobankii sano ee u danbeeyey waxaa golaha amaanka laga hor akhriyayey warbixinno ka haldaaya xaalada Somalia. Warbixinahaas oo uu inta badan jeediyo ergayga gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.
Warbixiintaa waxaa inta badan lagu sheegaa in xaalada Somalia soo wanaag sanaanayso dhinaca amniga, dhismaha hay’adaha Dawlada iyo dhaqaalahaba.

Hadaba iyada oo aynu ognahay in aanu xaalku sidaa ahayn, maxay Qaramada Midoobay u madal hufiyaan beesha caalamka? Maxayse Somaliland ugu badnaan hal ama laba sadar oo dhaliil u eg uga Xusaan?

Jawaabtu waa sidan; Somaliya waxaa si dadban u maamula Qaramada Midoobay, dhamaan hay’adaha dawladana waxaa mushaarada siiya Q. Mushaharada iyo adeega kale ee Ciidamada nabad ilaalinta waxaa bixisa QM. Lacagta ay QM bixinayso waxaa laga soo qaadaa dawladaha waawayn waxaana lagu bixiyaa in Somaliya lagu xasilinayo iyo in lagula dagaalamayo argagixisada.

Hadaba warbixinaasi dhamaantood waa laba shay a) xisaab celin oo waxaa lagaga jawaabayaa waxa lacagtii lagu qabtay. Waxay QM u sheegaysaa dawladihii in ay lacagtoodii wax fiican ku qabteen b) iyo in ay quud- darraynayaan in mid kale la siiyo oo waa maqdarad. Ma jiro masuul ka socda QM oo odhan kara arinka Somaliya ee dhinaca siyaada waxbaa ka khaldan. Markaa waa inay meesha faan iyo buun buunin ka dudubiyaan.

Dhinaca kale waxay Somaliland u qariyaan si ula kac ah maxaa yeelay halkan ma maamulaan waxaa ka jirta nabadgelyo iyo midaam dawladeed oo aan caalamka wax kharash ahi kaga bixin. Markaa ergayga XGQM ma odhan karo waxbaanu ka qabanay Somaliland dhiga siyaasadda iyo amniga oo waayo dee waxba kumay darsan, sidoo kalena ma ammaani karo oo waxaa hortaala su’aal deeqbixiyayaasha oo ah hadii dhulka intaa leeg ay nabad iyo dawlad casri ah ku dhisteen iyada oo aan wax aduun ah aanay ku bixin beesha caalamku maxay tahay tan lagu daldalayo koonfurta Somalia?
Markaa waa in ay QM la meeraysataa beesha caalmaka.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES