Madaxweynaha Puntland Qaadacay Oo Sharciga Cusub Ee Doorashooyinka Soomaaliya
Gebo Gebo News

December 15th, 2019
Madaxweynaha Puntland Qaadacay Oo Sharciga Cusub Ee Doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna ayna Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.

Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee hadhsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado.

“Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yidhi Deni.

Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”.

Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”.

139 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES