Erdogan Oo Sheegay Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey
Gebo Gebo News

December 16th, 2019
Erdogan Oo Sheegay  Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey

Ankar(Gebogebonews)-Erdogan oo ku Hanjabay inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadda maanta ah ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono laba saldhig oo militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay iney cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka.

“Haddii loo baahdo, waan xireynaa Incirlik, waanna xiri karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya.

Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig.

Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO.

 

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara.

 

Dowladda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Sharcigan ayaa weli sugaya inuu qalinka ku duugo Madaxweyne Trump.

VOA




Features

  • Xukuumada Somaliland Oo Go’aamo kasoo saartey Shaqaaqooyinkii Ka Tagnaa Deeganada Gobolka Sanaag.
  • Xukuumadda Somaliland Oo ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishan Ee Universal iyo Star Oo dhawaan la xayiray.
  • Natiijadda Imtixaankii Shahaadiga Ee Somaliland Oo La Saaciyey + Gobolka Togdheer Oo Hoggaaminaya.
  • Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES