Wasiir Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Buuraha Gobolka Sanaag Iyo Gaadiid Laga Gubay.
Gebo Gebo News

January 16th, 2020
Wasiir Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Buuraha Gobolka Sanaag Iyo Gaadiid Laga Gubay.

Sanaag(Gebogebonews)-Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, weerar kooban oo shalay ka dhacday degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag.

 

 

 

 

 

Wararka halkaasi laga helayo, ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo u dhashay degaankaa, ay shalay weerar ku qaadeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta & mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed, kuwaasi oo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baadhayey buuraleeydaasi.

Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen Wasiir ku xigeenka & mas’uuliyiinta kale, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaadhi nooca loo yaqaan Land-cruiser Pick up “CABDI BILE”, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen.

428 Views




Features

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO.
  • Daawo:Maxsuulka Ka Soo Baxay Baadhitaano Lagu Sameeyey 14 Hay’addood Oo Dawli Ah.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES