Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
Gebo Gebo News

January 20th, 2020
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.

Gebogebonews(London)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dood ka socotay toddobaadkan aqalka Baarlamaanka ee dalkaas, wuxuu kaga hadlay Somaliland iyo sida ay dawladoodu xidhiidh adag ula yeelan karto, maadaama oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh taariikhi ahi.

 

Waxa isna hadalka ku raacay xildhibaan Thomas Tugendhat oo soo dhaweeyay aragtida xildhibaan Stephen. Xildhibaan Stephen Doughty ayaa yidhi  “Mudanaha sharafta lihi wuxuu si dareen leh

 

 

 

uga hadlay meelo badan oo dunida ka mid ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, wuxuu og yahay inaan ahay qof muddo aad u dheer taageere u ahaa qadiyadda Somaliland, goob ay suurtagal tahay inaynu ganacsi la yeelano islamarkaana ay inaga dhexayso xidiidh taariikhi ah oo dhaqan, goob ahaan jirtay maxmiyadda Ingiriiska, balse sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ahi ay ka ciyaarta door muhiim ah.  Ma igu raacsan yahay in goboladaas iyo dalalkaasi ay yihiin meelo aynu isugu keeni karno dhamaan qaybaha siyaasadda arimaha debedda ee Ingiriiska?”

 

 

 

 

Xildhibaan Thomas Tugendhat ayaa isna ugu jawaabay, “Saaxiibkayga sharafta leh -waxaan sidaas u leeyahay sababta oo ah waa saaxiibkay- si buuxda ayuu sax u yahay: waa hanaanka aynu iskaashiga ula yeelanayno dalalka adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Somaliland, inaga oo  waxa aynu isku gaynaynaa aanay ahayn oo keliya dadaalo deeq shisheeye, balse mararka qaarkood caddaalad, isku xukunka sharciga, booliiska iyo xitaa difaaca si aynu u xaqiijino inaynu ku waajahno hab iskaashi ah oo wada socda si anynu uga samayno is-bedel dhab ah dalalkaas. Taasina waa waxa ay tahay inaynu samayno.

Doodan ayaa ka qabsoontay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska 13 January oo ah toddob.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

193 Views




Features

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO.
  • Daawo:Maxsuulka Ka Soo Baxay Baadhitaano Lagu Sameeyey 14 Hay’addood Oo Dawli Ah.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES