Meydadka Kalluumeysato Ajaanib Ah Oo Laga Helay Xeebaha Somaliland.
Gebo Gebo News

February 13th, 2020
Meydadka Kalluumeysato Ajaanib Ah Oo Laga Helay Xeebaha Somaliland.

Berbera(Gebogebonews)-Shabakadda Wararka Al-masdar Online ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa Ilo-wareedyo gudaha ah waxa ay u sheegeen in 2 Kalluumeysato oo ka mid ahaa saddex kalluumeysato oo la la’aa ilaa dabayaaqadii bishii hore ee Jeeniweri laga helay Badda Calaamiga ee u dhexeysa Xeebaha Somaliland iyo Yemen ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed oo marin muhiim ah u ah Kalluumaysatada.

 

 

 

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Kalluumeysatadaasi inay dhowr maalmood ka hor u kalluumeysi tageen Xeebta magaalada Axwaar ee Gobalka Abyan ee Yemen si ay gutaan shaqo maalmeedkooda hase’ahaatee la waayay markii dambe.

 

 

 

Markab nooca Ganacsiga ah ayaa la sheegay inuu Maydadkaasi ka helay dooni dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebta Degmadda Shakra oo ku taalla Badda Xeebta Caraabi oo la aamnisanyahay in ay kusoo cariday.

 

 

Kalluumaysatada Yamanyiiinta ah ee Maydadka la helay waxaa lagu kala sheegay Ali C/llahi Xasan oo 40-jir ahaa iyo wiilkiisa Saciid Cali oo 14-jir ah, kuwaasi oo la la’aa tan iyo bishii la soo dhaafay ee Jeeniweri 27-dii.

 

 

 

Dhinaca kalana Shabakadda Almasdar Online waxay kaloo qortay in weli la la’ yahay wiil 13-jir ah, oo lagu magacaabi jirey Abu Bakar Fowzi Abu Bakar, kaasi oo la socday doonida laga helay maydadka Aabe iyo Wiilkiisa.

144 Views




Features

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO.
  • Daawo:Maxsuulka Ka Soo Baxay Baadhitaano Lagu Sameeyey 14 Hay’addood Oo Dawli Ah.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES