Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya.
Gebo Gebo News

February 15th, 2020
Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya.

Riyadh(Gebogebonews)-Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa eedemo culus u jeedisay Turkiga, waxaana ay sheegtay inuu teegeero u fidiyo maleeshiyaadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Caadil Al-Jubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga warramyey booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka soo horjeedo duulaanka Turkiga ee wadanka Suuriya iyo taageerada uu u fidiyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

 

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay dowladda Turkiga ay ka soo horjeedo xasiloonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Sidoo kale Al-Jubeyr ayaa carabka ku goday inuu Turkiga taageeradiisa Soomaaliya haatan u leexiyey inuu caawiyo argagxisada.

 

 

 

“Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan maleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”. ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu doonaayo inuu xasilooni daroka abuuro caalamka, isagoo taageerayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdaha.

 

Dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa siyaasad ah si aad ah, isku haya, balse weli ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda Ankara ay bixisay eedeymaha loo jeediyey.

 

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

127 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES