khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale Oo Isu Bedelay.
Gebo Gebo News

February 21st, 2020
khilaafka Udhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Burco Oo Cirka Isku shareeray Iyo Waji kale   Oo Isu Bedelay.

Laba xafladood oo kala duwan ayay kala qabsadeen maamulka Gobolka Togdheer iyo Maamulka degmada Burco.

 

Xaflad uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo lagu xusaayay Maalintii dhagaxtuurka dhalinyarada UFO ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Gobolka Togdheer.

 

 

 

Image may contain: 4 people, people standing

isla xalay Xaflad taasi lamida oo uu soo qabanqaabiyay Maayirka Degmada Burco oo ay weheliyaan xogahayaha D. H. B. Iyo xildhibaano kamida Golihiisa ayaa xalay lagu Qabtay Hotel Gollis ee Magaalada Burco.

 

 

 

Xafladaha ay kala qabteen maayirka degmada iyo gudoomiyaha Gobolku midna masoo xaadirin xaflada uu ka kale qabtay, waxaana xusid mudan in xaflada lagu qabtay xarunta Gobolka Togdheer ay ka soo qaybgaleen Gudidada Nabadgelyada Gobolka iyadoo afka dawlada hoose uu ku hadlayay Xildhiban Mubarak Bidhi  oo lagu casuumay,  halka xafladii xalay uu maayirku qabtay ay ka dhex muuqdeen xoghayaha dawlada hoose iyo xildhibaano badan oo kamida golaha deegaanka Burco, iyo waliba gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobolka Togdheer  Maxamed  Yuusuf Ubaxle oo halkaas ka hadlay.

 

Khilaafka ka dhex taagan Labadan masuul ee usareeya Gobolka Togdheer ayaa maraya meel xun oo ubaahan in xal laga gaadho, waxaana  Khilaafkani  salka ku hayaa awood qaybsiga maamulka degmada Burco.

 

Masuuliyiinta kale Gobolka ee ay kamid ahaayeen Gudida nabadgelyada, xildhibaanada Golaha deegaanka. Isuduwayaasha laamaha dawlada ayaa umuqda kuwo lasoo lakala saftay masuuliyiintani balse aanay jirin cid isu xilqaantay xalinta khilaafkani.

 

Arintani ayaa ubaahan mid aan la dhayalsan oo ubaahan in xal laga gaadho

 

By:  Suxufi Xabiib Cige xasan.

213 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES