MAXAY AXSAABTA SIYAASADA SOMALILAND U KORI WAAYEEN ?
Gebo Gebo News

February 25th, 2020
MAXAY AXSAABTA SIYAASADA SOMALILAND U KORI WAAYEEN ?

Somaliland waxa ay qaadatay nidaamka axsaabta badan markii ay dastuurka dalka dadweynuhu ku ansixiyeen 97% ee loo codeeyey sanadkii 2001 , dastuurkaasi oo dhigaya in nidaamka siyaasadeed ee dalka Jamhuriyada Somaliland yahay nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan.
Haddaba xiligii lagu dhawaaqay ururada siyaasada Somaliland ee ugu horeeyey oo ahaa sanadkii 2002 waxa la sameeyey ururo siyaasadeedyo badan oo ay ka mid ahaayeen,  UCID , UDUB , ASAD , HORMOOD , SAHAN , ILEYS , BIRSOL , KULMIYE,  ururadaasi lix ka mid ah ayaa tartankii ka qayb galay waxaana axsaab siyaasadeed noqday sadexdii xisbi qaran ee UCID , UDUB iyo KULMIYE oo ay ku kala biireen intii hadhay siyaasiyiintoodii iyo taageereyaashoodii.
Axsaabta siyaasada Somaliland markii tartankaasi la qabtay ururkii xumuumadii xiligaasi ee UDUB oo uu aas-aasay ruug cadaagii weynaa iyo khabiirkii siyaasada somalida inta la yaqaan ugu xeel dheeraa madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal Ahn oo waliba xiligaasi uu sii mootanaa ayaa 64% codadkii dalka ee ururada markii aanu barigaa eegnay helay , waxaana uu sahlaysay kursiga oo uu xisbigu ku fadhiyey qaab dhismeedka loo dhisay iyo aas-aasihiisa oo ahaa khabiir siyaasadeed.
Xisbigaasi weynaa ee UDUB  hadii aad taariikhda dib u raacdo doorashaba doorashadii ay ka dambaysay ayuu hoos usii dhacayey oo sii yaraanayey , ha noqoto qofkii aasaasay aragtidaa fogaa oo ka geeriyooday , ha noqoto damacii gudihiisa oo marba marka ka dambaysa lagu sii kala tagayey , ha noqoto siyaasiyiintii ruugcadaaga ahaa ee axsaabta mucaaradka isku urursatay , iyo in aanu gudihiisa ka jirin dimuqaradiyadi , oo aan xusi karno tartankii ugu dambeeyey ee madaxnimada lagaga helay markii xisbiga gudihiisa la diiday in lagula tartamo madaxwayne Rayaale ayaa uu sii degay oo hoos usii dhacay.
Ururadii ugu miisaanka cuslaa waxaa ka mid ahaa urur siyaasadeedkii SAHAN ee ay isku urursadeen mucaaridkii xukuumadii Madaxwayne Cigaal iyo Asad oo isaguna qamaamuur siyaasadeed uu Saleebaan Gaal hogaaminayaa oo mucaarad xoogan ahaa , xiliyadaasi maadaama aan dimuqaradiyada aad loo fahansanayn isla markaana meel kale oo loo shaqo tago iyo wax la qabtaa koobnaayeen , dad adag ayuun baa mucaaradada u badheedhayey oo iyagana dawladii xiligaasi ee Cigaal shacabka ka haysatay.
Marka aad u kuur gasho taariikhda iyo sababaha ay axsaabtu u kori waayeen amaba ku burburaan waxa aan ogaaday in horta marka hore wax badan oo lagu wada socdaa yar yahay marka laga reebo damaca siyaasiyiinta ee xilalka iyo hogaanka xisbiga oo hadii uu kaasi meesha ka baxo qofku isla markiiba dibada uga boodayo xisbiga , xisbiga oo aan lahayn gudihiisa shuruuc iyo qawaaniin kala hagta , isla markaana aan si siman loogu tartami karin oo aan xubinta golaha dhexe ee damaca leh iyo madaxweynaha ama hogaanka xisbigu kuwada tartami karayn si xor ah iyada oo xataa waxa la qortay qurux badan yahay.
Arimahani waxa sababa dadka Somalida oo aan helin fursad ay ku fahmaan dimuqaradiyada iyo xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyaadka qofka ee aasaasiga ah , iyada oo waliba ay ku soo dhacday dawlad kalitalis ah oo aan dabadeed la hadal oo sharcigu ahaa rabitaanka jaalaha dalka xukuma cidii ka hortimaadana qoorta loo dheerayn jiray , taasi oo sababtay in masuulkasta oo dawladaasi xil ka hayey 70% ay sidii ay doonaan dalkii Somalia u maamuleen cidii ay doonaan laayeen , cidii nidaamka ka hortimaadana hadalkeegaba daa iyada.
Ababinta nidaamka kalitalis waxa uu geyeysiiyey in axsaabta siyaasada loo fahmo sidii Xisbigii Hantiwadaaga oo kale oo maalinba qofka hogaanka ah loo tumo rabitaankiisana lagu shaqeeyo haduu xisbul xaakim yahay oo uu dalka maamulana hadalkiisaba daa isaga , arimahani waxa ay ina geyeysiiyeen in dimuqaradiyadii Somaliland iyo dastuurkii dalku shaqeyn wayaan , sidaasi oo kale dadku fahmi waayaan nidaamka dalku qaatay cid fahamsiisana ay waayeen oo ku jaah wareereen maalinba hebelo is eryanaya oo hebel kursiga la soo dhiciya.
Xusbinimada lafteeda oo loo arki waayey wax umadu wada leedahay oo min tuulo ilaa heer qaran ay ahayd in lawada ilaashado , dhaqaalohoogana la qaadhaamo si wax wada lahaanshuhu u muuqdo , arimahani la’aantood ayaa waxa ay dhalisay in shaqsiga hogaanka ah ee sharaxani uu xoog iyo xoolaba xisbiga  galiyo waxii uu hayey , waxii kalena uu ka soo qaadhaamo beesha uu ka soo jeedo , taasi oo sababtay in axsaabtii ay beelo iyo shaqsiyaad lagu sunto oo halkaa wax wada lahaanshihii ku lumay.
Ujeedada labaad ee adhaxda ka jabisay axsaabta iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee dalka ayaa ah in aan axsaabtu lahayn qorshe siyaasadeed dhow iyo mid fog toona , iyo wadadii lagu gaadhayey qorsheyaasi ( strategy ) oo aan iyaduna jirin , taasi waxa ay sababtay in aan dadku kala jeclayn ba axsaabta siyaasada ee qofka hogaanka marba u haya uun la eegto.
Ujeedada sadexaad ee uu u koriwaayey nidaamkeena dimuqaradiga ahi waa qiimeyn la’aanta qofka kula soo shaqeeyay ama xisbiga tacabka galiyey oo aan uga soocneyn dadkii kale , arimahani waxa ay dhaleen in ay dadku ku dhiiran waayaan in ay xisbiga u hagar baxaan waayo waxa ay hore u arkeen dad badan oo inta lagu guuray haddana laga guuray oo goob cid lo ah wada yuurura oo badhkood cadhada siyaasada go’aano wada qaldan ay qaataan iyo qaar khalkhal nafsi ahi ku dhaco .
Taariikhda aan ka soo sheekeeyey ayuunbay ururadii iyo axsaabtii siyaasada ee kuwaa hore ka dambeeyeyna ay raaceen oo ay kuwada daciifeen , oo aynu ilaa maanta u gaadhi laanahay ujeedooyinkii loo aasaaasay ururada iyo axsaabta badan oo aan meesha ka muuqan amaba kaba baxdayba iyo waliba cunfi iyo qabyaalad hor le oo ay inagu dhalisay oo reero loo kala saftay … markaa waxa aan dadka reer Somaliland uga digayaa in laga digtoonado khaladaadkaasi hore oo taariikhaha na cashar laga barto si aynu u helno nidaam dimuqaradi ah oo hufan , iyo xukuumad qurux badan oo ka soo baxday xisbi dhisan oo qorsheyaasheeda iyo wadada ay u maraysaaba u cadahay.

Muxamed Dhimbiil

234 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES