Somaliland Dal Ma Tahay? W/Q Guuleed Dafac
Gebo Gebo News

February 25th, 2020
Somaliland Dal Ma Tahay? W/Q Guuleed Dafac

Waxa la isku haystaa ba waa intaas. Somalia uma aragto Somaliland inay tahay dal. Somaliland waxa ay isu taqaan inay tahay dal madax banaan oo leh dawlad sharci ah.

Aduunyadu weli uma aqoonsan Somaliland inay tahay dal madax-banaan oo gaar u taagan.

Aqoonsigu maaha arin sharci oo jawaabtiisa laga helayo kutubta xeerarka caalamiga ah. Waa go’aan siyaasi ah oo ay qaadato laanta fulinta ah ee dal kale. Uma baahna ansixinta baarlamaanka. Tusaale ahaan hadii xukuumadda Ingiriisku go’aansato inay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan, waxa talaabaas qaadaya oo ay gaar u tahay raysal wasaaraha ee uma baahna in aqalka Baarlamaanku ansixiyo ama diido. Si taas la mid ah Baarlamaanka Ingiriisku ma aqoonsan karo Somaliland, hadii uu soo saaro qaraar uu ku aqoonsanayo na ma yeelanayo raad sharci oo waxba kama bedelayo meeqaamka dawladda Ingiriisku u taqaan Somaliland ama dal kale oo aqoonsi raadinaya. Marka aad xagaas ka eegto waa wax fudud, balse waxa adkeeyey dabeecadda aqoonsiga oo ah mid siyaasi ah.

Culimada sharcigu way ku kala aragti duwan yihiin saamaynta sharci ee aqoonsigu ku leeyahay jiritaanka dal. Qaarkood waxa ay qabaan inaan aqoonsigu ahayn ka go’aamiya dalnimada (statehood) ee jiritaanka dalku ku xidhan yahay buuxinta shuruudaha Mucaahadada Montevideo ku qoran. Sidaasdarteed, waxa ay qabaan in hadii dal buuxiyo shuradahaas kuna dhawaaqo madax-banaani inuu sidaas ku yahay dalku mid jira oo madax banaan ee aanu u baahnayn oo aanay shardi ahayn in dal kale aqoonsado.

Culimada sharci ee taas ka soo horjeedaa waxa ay qabaan in aqoonsigu yahay shardi ka mid ah shruuudaha dal lagu noqon karo. Hadii aan la aqoonsanayn, kayaankaasi maaha dal madax-banaan oo leh jiritaan dalnimo, ayay ku doodayaan.

Aqoonsigu si guud waa mid la xidhiidha dalnimada (statehood) iyo mid la xidhiidha dawladda (government). Ka hore waa marka dalku yahay mid ku cusub dunida sababtu waxa ay doonto ha noqote. Waxa ay noqon kartaa inuu ka dhasay isku biiris dalal, kala googo’ dal hore u jiray, isku xidhan qaybo dalal kale iyo habab kale oo kala duwan.

Aqoonsiga dawladdu waxa uu la xidhiidhaa marka dalka la aqoonsan yahay balse xukuumadda ka talisaa ay tahay mid aan ku iman sifo sharci ah. Badiyaa waxa ay dhacdaa marka af-gembi dhaco ama kacdoon dadwayne afka dhulka u daro dawlad kale sifo rabshadaysan oo aan marin hanaan sharci. Somalia, tusaale ahaan, sidii ay u burburtay dawladii dhexe sanadkii 1991 may lahayn dawlad aduunku aqoonsan yahay ka hor sanadkii 2012 oo ah markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyey ay go’aansadeen inay aqoonsadaan dawladda Somalia. Ilaa hada waxa jira dalal aan si rasmi ah u aqoonsan dawladda Somalia oo aan ula dhaqmin dhokumentiyadeed iyo haybadeeda dawladeed si la mid ah dawladaha kale. Balse dalalkaasi way aqoonsan yihiin dalka Somalia.

Maadaama oo aqoonsigu yahay arin siyaasadeed cid walba oo raadinaysa inay aqoonsi hesho waxa la gudboon inay qaado talaabooyin siyaasadeed oo ku dhisan istiraajiyado iyo qorshayaal habaysan oo ku foogan dalalka ay hubaasha tahay in la leexin karo fekerkooda iyo mawqifkooda siyaasadeed. Si kasta oo aad xaq ugu leedahay aqoonsi, ma jirto cid gar sharci dhegaysanaysa sababta oo ah ma jirto maxkamad aduun ama dawlad aduunka ka dhexaysa oo aad u gudbin kartid dacwad iyo qadiyad aad leedahay si ay uga go’aan gaadho. Cidda aad qancinaysaa waa hogaamiye siyaasadeed. Taasina waxa ay xudunta iyo udub dhexaadka raadinta aqoonsiga dhigaysaa danaha dawladaha kale (interest). Waydiintu waa inay noqoto dal hebel maxa ugu jira inuu ku aqoonsado, maxaase kaga xumaanaya?

Sidee baad ku tusi kartaa dal inay dani ugu jirto inuu ku aqoonsado? Dan dhaqaale, mid siyaasasadeed, mid istiraajiyadeed, mid ciidan, mid amaan iyo qaar kale oo badan ayaa muhiim ah in si cilmiyaysan loo derso. Waxa duruuri ah in la fahmo oo la lafo-guro fekerka, cabsida iyo rabitaanka hogaamada siyaasadeed ee dalalka wax laga raadinayo. Waa in isha lagu hayo oo lagu fogaanaado dhaq-dhaqaaqyada dalalka gudohooda ka socda.

Runta biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay inaan aqoonsi lagu helin xaqnimo ama hadiyad ama in lagaa naxo ama doodaadu saxan tahay. Falastiin ayaa taas wax ku helin lahayd. Ama Taiwan ayaa ku socon lahayd. Kosovo na lama siiyeen aqoonsi. Waxa labada hore hortaagani waa quwado iyo dano siyaasadeed. Waxa Kosovo u sahlayna waa dano siyaasadeed oo tuurta ku sitay.

Arday Sharciga Caalamiga ah iyo Qaanuunka Caalamiga ah anoo ah ayaan fekerkan idin la wadaagay oo malahayga wax iiga baxsan yihiin labada ba.

W/Q Guuleed Dafac

63 Views




Features

  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • “Salaadiintu Ha Ku Eekaadaan Dhaqankooda Hadii Kale Ha U Diyaar Garoobaan ” Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sheegtay In Qof Xagga Somaliland Ka Tagay Looga Shakiyey Coronavirus.
  • Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus.
  • 150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus.
  • Madaxweyne Biixi Oo Mar Labaad Fadhi Aan Caadi Aheyn Ugu Yeedhaya Golaha Wakiilada.
  • Dalka Itoobiya Oo Xaalad Deg Deg Ah La Galiyey + Sababta.
  • Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES