Abaalkii Suuriya Ma Qaawanaanbuu Guriigu Ku Guday
Gebo Gebo News

March 16th, 2020
Abaalkii Suuriya Ma Qaawanaanbuu Guriigu Ku Guday

Wadadan Maanta Kumanaanka Qaxoontiga Suuriyaanka Qaadeen Waxaa Jeexay Awooyashood Qarni Ka Hor Ahaana Qaxoontiga Giriiga Ee Shalay, Sanadkii 1919-dii Ayaa Ku Dhawaad 20,000 Oo Giriiga Ayaa Waxay U Qaxeen Suuriya Iyagoo Magan Galyo Doon Ah’ Waxaana Xerooyin Kaamam Looga Sameeyey Magaalooyinka Waaweyn Ee Alepo Iyo Dimishiq’ Iyagoo Ka Qaxay Colaado Kala Duwan Oo Ka Holcay Dalkooda.
Waxay Qaxeen Dadk Guriigu Dhawr Jeer Kuna Qaxeen Wadanka Suuriya
1- Sanadkii 1919 Ilaa1922-kii Dagaalkii “Greco-Turkish” Ee Giriiga Iyo Turkiga U Dhexeeyey Laguna Jabiyey Giriiga Waxaa Suuriya Iyo Bariga Dhexe Ku Qaxay 20,000-17,000 Oo Qaxoonti Giriiga’ Kadib Heshiiskii Nabadaynta Ee Dhacay Sanadii “1923” Ee Dhaxmaray Labadaasi Wadan, Ugu Dambayn Waxaa Ay Is Waydaarsadeen Dadyowgii Qaxay Ee Xuduudaha Ka Gudbay’ Ee Lakala Haystay Labada Dhanba.
2- Sanadkii 1939kii- 41-kiina Way Ku Qaxeen Iyagoo Ka Qaxaya Hawl Galadii Nazigii Jarmalka Ee Giriiga Gumaaday Ee Duullaankii ” Marita” Waxaa Gaadhay Xeryaha Suuriya Ee Alepo Iyo Dimishiq “12000” Oo Qaxoonti Giriiga. 
Qaxoontiga Giriigu Kuma Koobnayn Suuriya Oo Kali Ah’ Se Wuxu Gaadhay Sidoo Kale Lubnaan Iyo Masar Oo Ah Afrika Ilaa Bariga Dhexe. Waxay Ahaayeen Kumaan Kun Oo Qaxoontiya.
Taariikhaha Qaar Waxay Carrab-dhabaan In Dagaaladii Sokeeyey Ee Ee Dalkaasi Ka Dilaacay Iyo Sidoo Kale Kacdoonadii “lonian Revolt” Ee Qarnigii 4aad Shacab Badani Ku Qaxay Dimishiq’ Oo Waagaas Ay Soo Bilaabantay Qaxoontiga Giriiga Ee Suuriya.
Waxay Warbaahintu Qaada Dhigaysay Muuqaalo Iyo Taswiiro Si Anshaxa Aadanaha Ka Baxsan Loola Tacaamulaya Qaxoontigii Suuriyaanka Oo La Qaawiyey Tacadiyo Xuquuqda Aadanah Baal-Marsan Oo Ay Kula Kacayso Dawlada Giriigu Taasina Ma Qabato Maanta Suuriya Oo Qarni Ka Hor Si Wanaagsan U Qaabishay Qaxoontigii Giriiga Jeer Dalkoodi Amaan Ka Noqdayna Siisay Magan Galyo Iyo Dib U Dajin Qaxoonti Kadibna Lagaga Daad Guray Maraakiib Iyo Doonyo Dalkoodii Dib Ugu Celiyey.
Facebook: Fadxi Greenford
40 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • “Salaadiintu Ha Ku Eekaadaan Dhaqankooda Hadii Kale Ha U Diyaar Garoobaan ” Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sheegtay In Qof Xagga Somaliland Ka Tagay Looga Shakiyey Coronavirus.
  • Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus.
  • 150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES