Booqashadii Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland Oo La Joojiyay.
Gebo Gebo News

March 22nd, 2020
Booqashadii Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland Oo La Joojiyay.

Hargeysa(Gebogebonews)-Dawladda Somaliland ayaa caddeysay in saddex bilood raashinkoodi iyo cuntadoodi ay u diyaarisay maxaabiista jeelasha kala duwan ee dalka ku xidhan.

 

Sidoo kale waxaa ay dawladu sheegtay in madaxweynaha Somaliland wado qorshe lagu kala yareynayo, laguna sii deynayo maxaabiista ku xidhan Jeelasha dalka, kaas oo la xidhiidha cabsida laga qabo xannuunka Corona-vires.

 

 

Waxaa sidan Tv-ga Horn Cable u sheegay wasiirka wasaaradda cadaaaladda mudane Mustafe Maxamuud Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Jeelashu waa ay ka nugul yihiin dadka kale, waayo waa bulsho badan oo meel kuwada xidhan, hadii uu hal qof ku dhaco waxaa ay ka dhigan tahay in uu maxaabiistii oo dhan kuwada dhacay.

 

 

 

Arrintaasi qorshe weyn ayaanu u sameynay, wacyigelin fara badan ayaanu maxaabiista u sameynay, waxaa aanu u geynay qalabkii falaxalka, nadaafadda, xannuunka wacyigelintiisi, inay kala durkaan, waxaa kale oo aanu mabnuucney in gudaha loo gallo maxaabiista, oo cidkasta oo ehela oo soo booqaneysa iyo askarta dibaduba maxaabiista gudaha uma geli karraan, si ay uga nabad-galaan wixii kaga imanlahaa dibadda”

 

 

 

Sidoo kale wasiir Mustafe waxaa uu ka hadlay qorshaha uga meel yaala ka xukuumadd ahaan maxaabiista Jeelasha dalka ku xidhan siideyntooda iyo kala fududeyntooda waxaanu yidhi “Qorshe weyn ayaanu wadna oo madaxweynuhu nagu hogaamianyo INSHA ALLAH, oo hadiiba uu cudurkaasi dalka yimaado aanu ku kala dhimeyno maxaabiista, oo madaxweynuhu hormood ka yahay, oo dib loo eego wixii aan danbiyo culus ku jirin, waxaa kale oo aanu yareynay wixii saldhigyadda ka imanaya ee maxaabiisa, waxaa kale oo aanu bilownay in saddex bilood jeelkasta oo dalka ka mida la sii dhigey, iyo qalabkiisi nadaafadda, wacyigelintiina aanu u sameynay, kala fududeyntoodii iyo sii deyntoodiina madaxweynuhu waa uu ku mashquulsan yahay, dhawaana aanu ka soo saari doono go’aan wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca”

 

 

 

 

158 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES