Cudurka Coronavirus Oo U Gudbay Uganda, Eritrea, Falastiin Iyo Itoobiya Oo Dadkaa Qabaa Kordheen.
Gebo Gebo News

March 22nd, 2020
Cudurka Coronavirus Oo U Gudbay Uganda, Eritrea, Falastiin Iyo Itoobiya Oo Dadkaa Qabaa Kordheen.

Hargeysa(Gebogebonews)-Caabuqa Coronavirus oo si deg-deg ah dunida faafaya ayaa Axadda Maanta la soo sheegayaa Kiisas lagu arkay dalal hor leh oo uu u gudbay.

 

Xanuunka Coronavirus ayaa la soo sheegay in labadii Kiis ee ugu horeeyay lagu arkay Marinta Qaza ee Falastiin.

Labada Qof ee reer Falastiin ee laga helay Caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Pakistaan, markii la baadhayna waxa laga helay Caabuqa.

Kiisaska laga helay Gaza ayaa sii kordhinaya Cabsidii laga qabay Caabuqa, maaddaama oo adeegga Caafimaad ee Falastiin aanu wanaagsanayn, maaddaama oo sanado badan ay Isreal xayiraad ku haysay dhulkaasi.

Dhawaan waxa Gaza gaadhay boqol reer Falastiin ah, balse waxa xanuunka laga baadhay 92 keliya, sida uu ku warramay Wargeyska The National.

Sidoo kale, Dawladda Uganda ayaa Saaka xaqiijisay in Qofkii ugu horeeyay ee qaba Covid_19 laga helay dalkaasi.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Uganda Ruth Jane Aceng ayaa sheegtay in Nin u dhashay dalka Uganda oo ka soo noqday Dubai 17-kii bishan laga helay caabuqa Coronavirus.

Wasiirku waxay sheegtay in ninkaasi oo da’diisu tahay 36 jir uu la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.

Dawladda Eritrea ayaa xaqiijisay inuu dalkeeda soo gaadhay Caabuqa Coronavirus, Qofka laga helay ayaa ka yimid dalka Norway, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in qofka Norway ka yimid uu la socday Diyaaradda Fly dubai.

108 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi, Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Gudoomiye-yaasha Xisbiyada Oo Fariin Udiray Salaadinta Iyo Maamulka Xamar.
  • ” Cadawgeenu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES