Dawlada Ruushka Oo Magaalooyinka Waaweyn  Ee Dalkaasi Ku Siidaysay Shabeello Iyo Libaaxyo Dad Qaad Ah + Sababta.
Gebo Gebo News

March 25th, 2020
Dawlada Ruushka Oo Magaalooyinka Waaweyn  Ee Dalkaasi Ku Siidaysay Shabeello Iyo Libaaxyo Dad Qaad Ah + Sababta.

Moscow (Gebogebonews)- Waxa noqotay wax dadkii dalkaasi u qaadan waayeen oo in badan amakaag ku riday kadib Markii xukuumadda Waddanka Ruushku go’aan ku gaadhay in Sabtidii dorraad ay suuqyada iyo waddooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Ruushka ku soo daayeen in ka badan 800 oo isugu jira Libaaxyo iyo Shabeello dad qaad ah si ay dadkooda ugu khasbaan in ay guryahooda ku sugnaadaan oo aanay shaaracyada iyo suuqyada u soo bixin si looga hor tago faafitaanka caabuqa Koroona Fayras.

 

 

Waddooyinka waweyn iyo Suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka sida Moscow, Saint Petersburg, Novosibirsk, Yekaterinburg, Kazan, Sochi iyo kuwo kale oo badan ayaa mar qudha dorraad subax lagu waabariistay iyada oo ay kala xidheen Shabeello iyo Libaaxyo waaweyn oo argagax galiyay dadkii magaalooyinka deganaa kuwaasi oo ay khasab ku noqotay in qof waliba qolkiisa hoosta ka soo xidho oo aanu samayn wax dhaqdhaqaaq ah oo uu dibadda ugu soo baxo.

 

 

 

 

Sida ay ku soo warramayso wakaaladda Wararka ee InterFax ee dalka Ruushku, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa la xaqiijiyay in uu isagu bixiyay Amarka Magaalooyinka waaweyn ee Ruushka loogu sii dhex daayay 800 ee Shabeellada iyo Libaaxyada ah oo waliba noocoodu yahay kuwa halista ah oo xajmigoodu weyn yahay, qaarkoodna uba muuqaan kuwo gaajaysan oo haddii ay dadka haleelaan daqiiqad ku kala goosanaya, tan oo ugu dambayn keentay in habeen hore illaa shalay cidi dibadda u soo bixin iyada oo kaliya telefishannada laga daawanayay Libaaxyada iyo Shabeellada gaaf wareegaya waddooyinka iyo meelihii saxmadda ahaan jiray oo imika noqday haawanaya oo aanay laba qof dhex marayn.

 

 

 

 

Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin oo qoraal kooban shacabka dalkiisa kula wadaagay barta uu ku leeyahay Twitter waxa uu yidhi: “Waxaan jeclaysannay inaanu Libaaxyo iyo Shabeello ku soo dayno Magaalooyinka si ay dadku guryahooda ugu negaadaan. Waxa aan awoodaynay in aannu dadka amar ku soo rogno oo aanu u sheegno in ay guryahooda ku sugnaadaan oo aanay soo bixin si looga hor tago loona xakameeyo Cudurka halista ah ee Koroona Fyaras balse waxa aan go’aansannay in aanu Libaaxyada iyo Shabeellada meel walba ku soo dayno si looga baqdo oo aanay cidina isku iman, halkii aanu qofkii dibadda u soo baxa xabsi u gayn lahayn”.

 

 

 

Dhinaca kale Wasiir xukuumadda ka tirsan ayaa sheegay in dawladdu aanay doonayn in qofna dareemo in xabsi guri la galiyay oo xorriyadda laga qaaday sidaa darteed fikirkan uu Madaxweynahoodu keenay si iyada oo aan qofna la qasbin haddana qof waliba gurigiisa hoosta ka soo xidho,  si ay uga badbaadaan Libaaxyada iyo Shabeellada gaajaysan ee meel walba yaacaya.

 

 

 

 

Shalay oo Axad ahayd, kaliya waddanka Ruushka waxa laga diiwaan galiyey in ka badan 61 Kiis oo Koroona Fayras ah taasi oo tirada guud ee dadka Ruushka ah ee uu haleelay cudurkani ka dhigaysa illaa imika 367 qof.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

162 Views




Features

  • ” Cadawgiinu Waa Badan Yahay ” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Oo ka hadlay Arrinta dhaqanka iyo siyaasadda.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Hanjabaad U Diray Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Ethiopia.
  • “Salaadiintu Ha Ku Eekaadaan Dhaqankooda Hadii Kale Ha U Diyaar Garoobaan ” Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sheegtay In Qof Xagga Somaliland Ka Tagay Looga Shakiyey Coronavirus.
  • Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus.
  • 150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus.
  • Madaxweyne Biixi Oo Mar Labaad Fadhi Aan Caadi Aheyn Ugu Yeedhaya Golaha Wakiilada.
  • Dalka Itoobiya Oo Xaalad Deg Deg Ah La Galiyey + Sababta.
  • Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES