Tirada Maxaabiis La Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Uu Cafis U Fidinayo.
Gebo Gebo News

March 28th, 2020
Tirada Maxaabiis La Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Uu Cafis U Fidinayo.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus

 

 

 

Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u khajiiyey warqaddan Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah.

 

 

 

Dhinaca kale, waxaa Wargeyska Geeska Afrika loo khajiiyey in Ciidanka Asluubtu uu khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES