Shacabka Somaliland Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay In La Joojiyo Diyaaradda Ethiopia Iyo Jaadka.
Gebo Gebo News

March 29th, 2020
Shacabka Somaliland Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay In La Joojiyo Diyaaradda Ethiopia Iyo Jaadka.

Hargeysa(Gebogebonews)-Shacabka Somaliland ayaa dareen isku mid ah oo walaac ah ka qaba duulimaadka diyaaradda Ethiopia ay maalintii laba jeer ku timaado magaalada Hargeysa, iyadoo ay dalalka gobalka iyo duniduba joojiyeen duulimaadyada diyaaradaha si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona Virus.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay in rakaabka diyaarada Ethiopia la socda lagu xareeyo hoteelada magaalada Hargeysa muddo 14 maalmood ah si loo karantiimeeyo.

 

Laakiin shacabka Somaliland ayaa si weyn uga walaacan duulimaadka diyaaradda ee la joojin waayay iyo weliba rakaabka la socda ee la dejiyo hoteelada magaalada. Rakaabka diyaaradda la socda laguma soo qaado baabuur gaar ah oo loogu tallo galay, waxase lagu qaadaa basaska dadweynaha iyadoo aanay wacyigelin badan qabin darawaliinta basaska iyo gacan yarayaashiisuba.

 

Rakaabka oo aan baadhis rasmi ah oo lagu ogaanayo inay qabaan xanuunkan lagu samayn marka laga reebo cabirka xumadooda, waxa hoteelada la dejiyay ka shaqeeya dadweyne tiro badan oo aan iyagu ka xanibnayn inay magaalada soo galaan.

 

Shacabka ayaa baraha bulshada waxay ku baahinayaan farriimo ay Madaxweyne Biixi ugu baaqayaan in la joojiyo duulimaadyada diyaaradda Ethiopia si shacabka looga badbaadiyo in diyaaradu si fudud u soo walwaasho xanuunkan dunida gilgilay oo fiditaankiisu xawaare sare ku socdo.

 

Waxa isna si xawli ah Somaliland si maalinle ah u soo gala jaadka oo badankiisu ka yimaada Itoobiya oo uu fiditaanka xanuunku hadda xawaare sare ku socdo.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda samaynin goobo u gaar ah oo loogu tallo galay in lagu daryeelo haddii uu gudaha Somaliland ku faafo xanuunkani.




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES