Somaliland Oo Beenisay Inay Dawladda Soomaaliya Ka Heshay Qalab Caafimaad.
Gebo Gebo News

March 29th, 2020
Somaliland Oo Beenisay Inay Dawladda Soomaaliya Ka Heshay Qalab Caafimaad.

Hargeysa(Gebogebonews)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war saxafadeed ay baahisay Dawladda Somaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, oo sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey qalab caafimaad,oo lagaga hor tagayo Coronavirus.

 

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya ka yimid, dalkana dib ugu soo laabtay, iyo waxaa uga meel yaala Xukuumad ahaan Coronavirus haddii dalka lagu arko, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay qalabka caafimaad ee dawladda Somaliya sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey, “Qalab caafimaad oo aanu Somaliya weydiisanay oo ay na soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Somaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno, ee qalabkan caafimaad ee inaga soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu walba ka heli jirnay Qaramada Midoobay,qalabkana waa ka hor tag”.

Mar uu aanu wax ka weydiinay Ardayda Itoobiya ka soo laabatay ayaa yidhi “Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid, Ardaydaas waan hubnaa caafimaadkooda, haddana wey caafimaad qabaan,Ardayda badan baa dalka dib ugu soo laabtay, Arday kalena wey soo socdaan, dabcan mar walbana caafimaadkooda waanu hubaynaa, anaga oo waliba hubna caafimaadkooda, haddana waxaanu siinay wacyigelin balaadhan, oo waxaanu ugu baaqnay inay Guriyahadooda isku karantimeeyaan”.

Mar aanu waxaa ka weydiiinay inay meelo u diyaariyeen iyo in aanay u diyaarin dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus “Dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus Xukuumad ahaan waanu u diyaarinay meelo aanu ku karantimayno, ilaa haddana xanuunkana dalkeena muu soo gaadhin, wax walba oo lagaga hor tagi karana diyaar ayaanu u nahay Xukuumad ahaan, oo wacyigelin balaadhan ayaanu wadnaa”




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES