Madaxweyne Biixi Oo Mar Labaad Fadhi Aan Caadi Aheyn Ugu Yeedhaya Golaha Wakiilada.
Gebo Gebo News

April 8th, 2020
Madaxweyne Biixi Oo Mar Labaad Fadhi Aan Caadi Aheyn Ugu Yeedhaya Golaha Wakiilada.

Hargeysa (Gebogebonews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale isugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada, si loo hor-geeyo labadii Xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u Matalaya Komiishanka cusub ee Qaranka oo ay goluhu hore u diideen.

 

 

Ma jiro war rasmiya oo ka soo Xafiiska Madaxweynaha iyo dhinacyada Arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si mar kale loo hor-keeno Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah u matalaya Komiishanka, si loo ansixiyo.

 

 

 

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay yeelanayey kulamo xidhiidh ah, kuwaasi oo lagaga wada-hadlayey sidii golaha wakiilada looga hawlgeli lahaa si ay u ansixiyaan labada xubnood.

 

 

 

Fadhiga aan Caadiga ahayn ee la sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhayo Wakiillada, ayaa qayb ka ah waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu kaga wada-hadleen kulamada ay yeesheen.

 

 

 

 

Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI u soo Magacaabay inuu u matalo Komiishanka cusub ee doorashooyinka iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magcaabay ayaa hore loo hor-geeyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, balse midkoodna ma helin Codadkii uu ku ansixi lahaa, balse Madaxweyne Biixi ayaa wakhtigaa sheegay inuu dib ugu celinayo Golaha Wakiillada.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES