Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19.
Gebo Gebo News

April 8th, 2020
Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19.

Hargeysa(Gebogebonews)-Hay’adaha Caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya shalay ka qaaday haweenay u dhalatay qoomiyada Oromada oo lagu arkay astaamaha xanuunka Covid_19.

 

 

Sahra Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 45 jir ayaa ka timid magaalada Burco, waxaana la sheegay in markii ay u talowday xuduudka dalkeeda Itoobiya lagu arkay astaamaha xanuunkan, waxaana lagu qaaday gaadhi ambalaas ah iyadoo la geeyay magaalada Jigjiga si loogu sameeyo baadhis dheeraad ah.

 

 

Xoggo uu wargeyska Geeska Afrika ka helay xafiiska caafimaadka ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay in gabadha oo ka timid Burco, ay shalay isu martay Burco ilaa wajaale. Gabadha ayuu naqasku si deg-deg ah u qabtay iyadoo ku jirta mid ka mid ah bangiyada Itoobiya ee ku yaaLla Wajaale, waxaana qabatay xumad saa’id ah. Markaas ayaa loo qaaday cisitaal ku yaalLa magaalada Jigjiga.

 

 

Waxa ay dhakhaatiirta Jigjiga qaar ka mid ahi Geeska Afrika u sheegeen in haweenaydu leedahay astaamo muujinaya in xanuunku hayo sida qufac, xumad joogto ah iyo naqaska oo qabanaya, waxaana xalay lagu xidhay Oxygen.

 

 

Haweenaydan ayaa la filayaa in isla maanta dhiigeeda lagu sameeyo baadhis buuxda, iyadoo magaalada Jgijiga la keenay qalabka shabyaadhka ee xanuunkan.

 

 

Warbaahinta baraha bulshada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa aad u baahiyay warkan, waxaanay sheegeen in haweenaydan lagu xareeyay goob loogu tallo galay dadka xanuunkan looga shakiyo.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

 




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES