150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus.
Gebo Gebo News

April 9th, 2020
150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus.

Riyadh(Gebogebonews)-Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska caanka ah New York Times.

 

Iyada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariirood waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada.

 

Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah badhasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah.

 

Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’doomooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah.

 

Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom.

 

Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaadhsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada.

 

Sacuudiga ayaa billowgii hore awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada.

 

2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, iyada oo 41 qof ay u dhinteen




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES