Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus.
Gebo Gebo News

April 9th, 2020
Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus.

Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo Aanu warkani ka soo xiganay ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegaya in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay badhtamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay.

 

 

Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in anu xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka.

 

 

 

Wasaaradda ma shaacin goorta la baadhay labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda uu khatar gelin karo raysal wasaare Khayre.




Features

  • Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar usoo Xidhay Dufcaddii Labaad Ee Dhallinyarada Shaqo Qaran.
  • Saan-saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Tuka-raq Oo Ay Ku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.
  • ” Gudiga Covid-19 Ha is Casilaan Oo Dadka Haka Hor Dhaqaaqaan” Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Ujeediyey Xukumada.
  • Daawo:Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Siweyn Dalka Ugu Fiday Xanuunka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES