Sheekaddii Xaraf iyo Ciidamadii Berigii Qaadka la Joojiyey. W/Q Jamaal Cali Xuseen
Gebo Gebo News

May 5th, 2020
Sheekaddii Xaraf iyo Ciidamadii Berigii Qaadka la Joojiyey. W/Q Jamaal Cali Xuseen

Berigii Siyaad Barre dalka madaxweynaha ka ahaa ayaa ciidankii Turubutaariyadda iyo ciidankii Booliska ee magaaladda Hargeysa loo dirayaa tuuladda Xaraf ee duleedka magaaladda Hargeysa si ay uga soo baadhaan in Qaadkii oo lagu tuhmayey in halkaasi uu uga soo galo magaaladda gudaheeda. Waa Xiliyaddii Qaadka la joojiyey sanadaddii sideetamaadkii horaantiisii. Kootarabaan bilaa canshuur ah iyo Qaadkaba waa lala dagaalamaayey oo xataa ciidanka milateriga laftiisa ayaabay qaarkood ka falaagoobeen oo gawaadhiddii maqaadiirta ku soo qaadi jireen oo qaar baaba soo gelin jiray.

Ciidankii kolkii ay soo galeen Tuuladdii ee ay kolba xaafadihii qaar iyo goobahii meheradaha ahaa baadhbaadhayaan ayaa nin Maqaaxi tuuladda ku haystay kolba raggii magaaladda joogay kolba mid u yeedhayaa iyagoo ciidankii maqlaaya. Raggaasoo naaneyso cajiib iyo cabsiba leh lahaa. Magacayadda waxaa ka mid ahaa Orgome, Israa’iil, Abees, Aakhiro Seben, Taajir Caydh iyo Kabo-caydh. Markii ugu danbeysay isagoo leh “waar Hurgumoow furaha keen iyo mee Aakhiro Seben”. Kolkay ciidankii maqaaxidii uu Qaadku yaalay hortiisii soo istaageen, ayaa nin Kabo Caydh la odhan jiray maqaaxidii ka soo baxay isagoo kor u qaylinaya isagoo leh “ waar Orgame mee? Iyo jawaab kale oo leh waxay is raaceen Aakhiro Seben iyo Taajir Caydh” iyo hadal kale oo leh waar bal soo toosi Arsaa’iil iyo Kawkabana.”

Ciidankii dawladda ee la soo diray oo kolba is eegaya oo magacyaddan la yaaban ayaa ninkii watay mar danbe ku odhanayaa ciidankiisii “yaakhii meeshan inaga wada dad oo Jin ah baa jooggee.” Iyagoo hareeraha eegeegaya ayeey baabuurtii fuuleen iyagoo qaar leeyahiin “Bismilaahi Raxmaani Raxiim, waar ma xero jin baynu soo galnay”. Imika malaha sheekaddii oo kale ayaa ka bilaabantay intii Qaadka la joojiyey

51 Views




Features

  • Somaliland Oo Go’aamo Adag Soo Saartay + Hay’addo Dalka Laga Caydhinayo + Nabadaynta Shaqaaqadii Ka Dhacday Fadhi-gaab Oo War Laga Soo Saaray.
  • Adeeg La’aanta Caafimaad Ee Bulshada Haysata Oo Cudurka Corona Ifka U Soo Saaray Iyo Qaylo Dhaanta Ka Soo Yeedhaysa Gobollada Iyo Degmooyinka Somaliland + Tamar Darrada Xukuumadda Hadda Jirta.
  • Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Khilaafka Saciid Deni Iyo Axmed Karaash Ee Puntland, Dadaallo Lagu Xalinayo Khilaafkooda Oo Socda.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Danab Ku Laayey Dad Degan Ka Tirsan Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer + Moganaanta Xukumada Somaliland. 
  • ” Waa ka adag yahay imtixaanku sanadkii hore ” Gudoomiyaha Xafiiska Imixaanadka Qaranka Oo Araday Fariin Udiray.
  • Tirada Dadka U Dhintay Iyo Kuwa U Soo Ritay Covid_19 Oo Somaliland Kor U Kacday.
  • Daawo: “Gobollada Bari Way Dayac Yihiin Dhaqaalihiina Galbeedka ” Boqor Buurmadow.
  • Daawo:Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenki Cidaanka Asluubta Somaliland Marxuum General C/raxmaan Fooxle.
  • Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee COVID-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
More FEATURES