Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!
Gebo Gebo News

May 9th, 2020
Burco waxay u baahan tahay xoog dhalinyaro oo Ufadii Hargeysa oo kale ah !!!!

Dad badan oo reer Somaliland ah, oo aan ka mid ahay, waxaa anfariir geliyay warka ah in cisbitaalka 2 aad ee ugu weyn Somaliland, kuna yaala Caasimada labaad ee dalka waa Burco’e, taasoo hoy u ah ku dhawaad 650, 000 qof aanu Amblunce lahayn, weliba iyadoo lagu jiro xaalada isuma ciirsatada ah ee dunidu heedadowga la tahay ee COVED 19, tolow ma talo xumaa? Ma masuuliyad daraa? Ma Wadaniyad daraa? Ma dawlad xumaa? Ma shacab la’aan baa? Ma dhaqaale xumaa? Ma waxan oo dhan oo iskaashaday baa? Ma wax kalaa?

Waxaan Galay Google, bal si aan u ogaado qiimaha halka Amblunce, waayo, waxaan ka fekeray ma qiimihiisa ayaa sareeya oo ay xukuumadu goyn kari wayday? Waxaan Google I siiyay noocyo tiro badan oo Amblunce ah, oo qiimo kala duwan leh, waxaa ka mid ah Amblunce-ta hoos sawirkeedu ka muuqdo oo qiimaheedu yahay $ 43,500, waa qiimo basiid ah marka laga hadlayo umad leh dawlad baanu nahay, hal muwaadin ayaa ku deeqi kara, marka lagaba tago xukuumad iyo warkeeda, waxaa iga yaabiyay in hooyada Amblunce taas loo quudhi waayay, ee Burco ku nooli aanay cashuuri ku baaqan, oo ay cashuur bixiye taagane ah tahay, waa lagu jawr falay hooyadaas iyo ubadkeediiba cid u hadashana ma haysato.

Xaqiiqdii, Burco ma laha salaadiin, Siyaasiyiin, xildhibaano (marka laga reebo masuulka la yidhaahdo xildhibaan Mubaarak Bidhi, oo aan in badan arkay isagoo dhawaaqaya), iyo aqoon yahan u hadla, haday sidan ku sii socotana way dumi doonaan iyada iyo dadkeeduba.

sidaas darteed, waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada Waxbaratay ee reer Burco inay u kacaan magaaladooda, uguna hiiliyaan si cilmi, caqli iyo masuuliyadiba ku jirto, waayo, waxaad tihiin xoogii iyo caqligii dihnaa ee Bulshada, Gacmaha is qabsada, midooba, noqdana Ufadii Burco, ma jirto cid kale oo aad isku halaysan oo u maqan magaaladiina iyo mustaqbalkiinaba, oo aan Alle ahayni, hana ilaawina in kheyrkiin dalal badan oo dunida ah wax ka bedeleen.

Waxaan kaloo u sheegi lahaa Qurbo joogta reer Burco in Burco tebayso doorkoodii, oo beryahan danbe u muuqda mid saqiiray.

Amaana Alla

41 Views




Features

  • Somaliland Oo Go’aamo Adag Soo Saartay + Hay’addo Dalka Laga Caydhinayo + Nabadaynta Shaqaaqadii Ka Dhacday Fadhi-gaab Oo War Laga Soo Saaray.
  • Adeeg La’aanta Caafimaad Ee Bulshada Haysata Oo Cudurka Corona Ifka U Soo Saaray Iyo Qaylo Dhaanta Ka Soo Yeedhaysa Gobollada Iyo Degmooyinka Somaliland + Tamar Darrada Xukuumadda Hadda Jirta.
  • Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Khilaafka Saciid Deni Iyo Axmed Karaash Ee Puntland, Dadaallo Lagu Xalinayo Khilaafkooda Oo Socda.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Danab Ku Laayey Dad Degan Ka Tirsan Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer + Moganaanta Xukumada Somaliland. 
  • ” Waa ka adag yahay imtixaanku sanadkii hore ” Gudoomiyaha Xafiiska Imixaanadka Qaranka Oo Araday Fariin Udiray.
  • Tirada Dadka U Dhintay Iyo Kuwa U Soo Ritay Covid_19 Oo Somaliland Kor U Kacday.
  • Daawo: “Gobollada Bari Way Dayac Yihiin Dhaqaalihiina Galbeedka ” Boqor Buurmadow.
  • Daawo:Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenki Cidaanka Asluubta Somaliland Marxuum General C/raxmaan Fooxle.
  • Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee COVID-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
More FEATURES