WAA KUMA DANBIILUHU? Qalinkii    Dr. Bashiir Diiriye Jaamac.
Gebo Gebo News

May 15th, 2020
WAA KUMA DANBIILUHU? Qalinkii    Dr. Bashiir Diiriye Jaamac.

Marka Hore illaahay Baa Mahad leh inna soo Gaadhsiiyay Bisha Ramadaan oo Tobankeedii Danbe lagu Jiro khayrkeeda alle hayna siiyo. Marka labaad waxaan si kooban u dul marayaa qoraalka baraha bulshada lagu faafiyay ee ku saabsan arrimaha caafimaadka gobolka SAAXIL. Waxaan Ku soo koobayaa dhawr arrimood oo kala ah: 
1.Ugu horrayn Dhalinyarta Gaar ahaan Wiilkaa Qoraalada baraha bulshada kusoo Faafiyay Shaqada ku meel gaadhka ah ee uu hayay Laguma qorin reernimo,laakiin waxaa Lagu Qoray Dhiirigelinta wiil dhalinyaro ah, reer Saaxil ah ardayna ah oo Mustaqbal doonaya. 
2. Shaqada La qoray Waxa ay lahayd Kormeer joogto ah,dabogal,iyo warbixin ku qotonta shaqada,anshaxa iyo xilgudashada shaqaalaha iyadoo DP world haysa guud ahaan macluumaadka la xidhiidha arrinta wiilkan oo u badan mid taban. 
3. Gunadda waxaa Laga Siinayey Dp world, waxaanay Shaqada Bilaabeen 
7dii Bisha April,Waxaanu nidaam maaliyadeedka shirkadda ee bixinta lacagtu dib u dhacay Maalmo kooban. Waxaa Jiray Hadalo badan oo gef ku ahaa maamulka gobolka ee caafimaadka iyo shirkadaba oo xogtoodu kaydsantahay kanasoo yeedhay wiilka Isla markaana aanan jeclayn inaan kaga aargoosto oo aan halkan keeno. 
4.Ugu danbayn Lacagtii Gunadda oo dhamaystiran 
waxa La siiyay 4 cisho ka hor dhamaantood waana wax cad oo xataa isaga hadii la waydiiyo aanu dafiri karin. Waxaa intaa dheer in wiilku uu farriinta canaanta ah ee la baahiyay uu bulshada usoo gudbiyay xilli uu xataa lacagtiisii haysto taasoo muujinaysa inuu marka horeba doonayay inuu igu sharaf dilo aniga gar iyo gardarroba. 
 Waxaan jeclaa in bulshadu dhex noo noqoto oo dhinacaygana wax lasoo weydiiyo hadii aan qalad toos ah ku jiro oo hunguri iga galay wiilkaa ama shaqaale kale gunadooda iyo wax la mida bulshada inaan xil u hayo uma qalmo hadii ay igu cadaato. 
Waxase dhacaday in iyadoo aan waxba la i waydiin ay i qabsaday aflegaado,cay sharaf dil iyo hanjabaad aan is leeyahay maad mutaysan xaddiga intaas le,eg ilaa imikana ma jirto talaabo aan ahayn inaan bulshada qanciyo oo aan qaaday waxaanan ogahay in masuulka la xagxagan karo oo loo baahanyahay dulqaad dheeraada,anigoo bulshada aan jeclahay ka codsanaya inay hubiyaan wararka lala wadaagayo si aan qofna dulmi ugu dhicin. Ugu danbayn 
waxaan saamaxay qof kasta oo si uun iigu gefay oo uu ugu horreeyo wiilka aan shaqada ku meelgaadhka ah anigu siiyay isagoo waliba ah ardaygaygii ilaa imikana aan ahay macalinkiisii isla markaana aan ballanqaadayo in aanu xaqa uu leeyahay ku waayin xanafta na dhex timid,marka aan shakhsi ahaan ka hadlayo iyadoo aanan damaanad qaadi karin wixii sharci ah ee la xidhiidha anshaxa iyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.
 Waxaan sidoo kale ogaysiinayaa bulshada in aanan ahayn qof lagu yaqaan saqajaanimo iyo hunguraynta xaqa shaqaalaha iyo eex midna ee aan ahay dhakhtar waqtigiisa iyo aqoontiisa halka uu geliyay laga marag yahay oo waxa uu qabtay ay ka muuqdo gobolka aan caafimaadkiisa masuulka ka ahay ee SAAXIL oo ka mida gobolada ugu roon adeegyada caafimaadka ee dalka.
 
 Dr. Bashiir Diiriye Jaamac Isku duwaha w.h.caafimaadka ee gobolka saaxil. ALLAA MAHAD LEH




Features

  • Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES