Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaasi.
Gebo Gebo News

May 19th, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Wararkiisa Laga Mamnuucay In Lagu Faafiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulkaasi.

Garoowe(Gebogebonews)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka.

 

Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda.

 

 

 

Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

 

 

Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay.

 

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland.

 

 

 

Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed.

 

 

 

Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin.

162 Views




Features

  • Somaliland Oo Go’aamo Adag Soo Saartay + Hay’addo Dalka Laga Caydhinayo + Nabadaynta Shaqaaqadii Ka Dhacday Fadhi-gaab Oo War Laga Soo Saaray.
  • Adeeg La’aanta Caafimaad Ee Bulshada Haysata Oo Cudurka Corona Ifka U Soo Saaray Iyo Qaylo Dhaanta Ka Soo Yeedhaysa Gobollada Iyo Degmooyinka Somaliland + Tamar Darrada Xukuumadda Hadda Jirta.
  • Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Khilaafka Saciid Deni Iyo Axmed Karaash Ee Puntland, Dadaallo Lagu Xalinayo Khilaafkooda Oo Socda.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Danab Ku Laayey Dad Degan Ka Tirsan Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer + Moganaanta Xukumada Somaliland. 
  • ” Waa ka adag yahay imtixaanku sanadkii hore ” Gudoomiyaha Xafiiska Imixaanadka Qaranka Oo Araday Fariin Udiray.
  • Tirada Dadka U Dhintay Iyo Kuwa U Soo Ritay Covid_19 Oo Somaliland Kor U Kacday.
  • Daawo: “Gobollada Bari Way Dayac Yihiin Dhaqaalihiina Galbeedka ” Boqor Buurmadow.
  • Daawo:Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenki Cidaanka Asluubta Somaliland Marxuum General C/raxmaan Fooxle.
  • Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee COVID-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
More FEATURES