WAX KA BARO Calaamadaha Cudurka COVID-19,W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis
Gebo Gebo News

May 20th, 2020
WAX KA BARO Calaamadaha Cudurka COVID-19,W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis

Sharciga iyo qawaaniintu waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis  Waxa maalmahan magaalada Burco isa soo taraya tallaabooyinkii lagu yiqiin ilbaxnimada. Bulsho waxay ilbax tahay marka ay sharciga.iyo qawaaniinta ehel ka dhigto. Sharciga.iyo qawaaniintuna waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha. Waxaynu maqlayney tabashooyinka dadweynaha ee adeegyada laydhka, biyaha iyo duruufaha la soo dersey macallimiinta. 

Arrimahan oo intoodii dhammaatay lagu qanacsan yahay sidii la isula meel dhigay, inta hadhayna waxa la rajeynayaa in si wanaagsan loo soo afjaro. Hadiyo jeer marka ay tabashooyin yimaaddaan laguma kala adkaado buuq, dhagax tuur iyo nabadgelyada oo wax loo dhimo, waxa lagu kala adkaadaa hanashada taageerada dadweynaha (public support). 
Sidaa-awgeed, waa lagama maarmaan dhaqdhaqaayada noocan oo kale ah inay hoggaanka u qabtaan aqoonyahanno xil kas ahi, waana hab dhaqan togan oo loo baahan yahay inay bulshadu qabatinto. War murtiyeedkii macallimiinta gobolka Togdheer waxa ka muuqatey aqoonyahannimo, aftahannimo iyo xarrago hadal aany hoos ugu daadegin tabashadoodii. Kolley anigu waan ku diirsaday. Haddaba, waxan kula talin lahaa macallimiinta in aanay lumin fursadda maanta isu keentay ee midaysay. Waxa habboon inay samaystaan urur u dooda sida “Ururka Macallimiinta Togdheer” kaas oo u gudbi kara gobollada dalka oo dhan oo noqon kara “Ururka Macallimiinta Somaliland” (Somaliland National Teachers Union). 
Urukaas oo u adeegi doona danaha macallimiinta xubno ka noqda. Waa dariiqo ka mid ah kuwa lagaga gudbi karo keli doonashada, qabyaaladda iyo hamrashada wax aad xaq u leedahay. Waxa kuu doodaya Urur sharci ah oo aqoontii, sharcigii iyo dhaqaalihii uu kuugu shaqayn lahaaba aad ka heshiiseen. Ku naso qaddar aan badnayn oo qaadhaanka xubinnimada ururka ah (membership fee). Why do you need reer Hebel, when $5 can work for you? 
W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis




Features

  • Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES