Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
Gebo Gebo News

May 30th, 2020
Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Addis Ababa(Gebogebonews)- Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu afduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

 

 

Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo.

 

 

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo waajahay, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi.

“Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yidhi Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF.

 

 

Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo.

 

 

 

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xidhiidh wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.




Features

  • Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradii Tamarta Oo Jirta Magacaabay 7-Xubnood Oo Madax Ka Noqon Doona Tamarta Dalka.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES