Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah.
Gebo Gebo News

May 30th, 2020
Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah.

Hargeysa(Gebogebonews)- John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo degen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay  in Somaliland ay qadiyadeeda gayso maxkamad caalami ah.

 

 

 

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah, haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay  qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteena toos u geysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

 

 

 

 

Hase yeeshee khabiirkan oo aad ula socda arrimaha Somaliland iyo guud ahaan Afrika ayaa qoraal uu 21 May soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu kaga digay aragtida ah in qaddiyadda Somaliland la geeyo maxkamad caalami ah, waxaanu Mr. John M. Rosenberg yidhi “Dawladda Somaliland waxa ay sheegtay inay qorshaynayso in qadiyadeeda ay gaynayso maxkamad. In qadiyadda la geeyo maxkamad caalami ahi waa istiraajiyad lagu guuldaraysanayo, balse waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sharcinimo loogu hello galaan gal meel kale laga sameeyo.” Sidaas ayuu yidhi Mr. John.

 

 

 

 

Mr. John Rosenberg ayaa wuxuu ka mid ahaa la taliyayaasha murashax Michael Bloomberg oo ka mid ahaa murashixiintii ka qayb gashay doorashada xisbiga dimuqraadiga ee Maraykanka dhexdiisa, balse aan guulaysan, waxaanu qormooyin ku saabsan siyaasadda dawladda Maraykanka ee Afrika ku baahiyaa wargeysyo kala duwan.

 




Features

  • Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradii Tamarta Oo Jirta Magacaabay 7-Xubnood Oo Madax Ka Noqon Doona Tamarta Dalka.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES