Aqoon Yahan C/salaan Maxamed Xaaji Buraale Oo Shaaciyey Inuu U tartmaayo Golaha Deeganka Degmada Burco.
Gebo Gebo News

June 1st, 2020
Aqoon Yahan C/salaan Maxamed Xaaji Buraale Oo Shaaciyey Inuu U tartmaayo Golaha Deeganka Degmada Burco.

” Anigoo ah Abdisalam Mohamed H Burale H Ibrahim Waxaan halkan ka shaacinayaa oo ka cadaynayaa in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30/5/2020 u taaganahay ama u ordayo Golaha Deegaanka Burco Kadib markii aan muddo dheer oo sanaddo ah aan ka gaws adaygayey, haddana Waxaa marka kasta muhiima in aan qadariyo Codsiga ka imanaya Taageerayaashayda asxaabtayda, Aqoonyahanka, Culimada iyo guud ahaan Shacab weynaha reer burco oo baahi weyn u qaba in ay helaan golle degaan oo is bedel dhab ah ka sameeya magaalada Burco.

Xilku maaha in qofku doono, waxaase Haboon in lala doonto qofka ku munaasibka ku ah
Masuuliyadda kana soo bixi kara

 

In qofku qabto xafiis ama xubin golle degaan oo dad weyne Waa masuuliyad culus una baahan in dadkii ku doortay aad u shaqayso si Hagar la’aan ah.

 

Sidaa daraadeed anigoo aqbalay codsigii faraha badnaa ee muddo badan la isoo gudbinayey waxaan idiin cadaynayaa in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Golaha degaanka burco.

 

Dhamaan Taageerayaashayda iyo guud ahaan Shacabka reer burco waxaan idiin balan qaadayaa inaan isbedel muuqda ka samayn doono degmada burco, hadii aad i doorataan Inshalaah.

 

Waxaan imika wixii ka danbeeya degelkaygan idin kula wadaagi doonaa qoraalo ku saabsan qorshahayga wax qabad iyo isbedelka aan rabo inan ka sameeyo degmada burco Inshalaah.

Waxaan mahad balaadhan oo aan lasoo koobi Karin u jeedinayaa dhamaan dadkii igu dhiiri geliyey in aan qayb ka noqdo musharaxiinta golaha degaanka ee degmada burco.
Waxaan idin leeeyahay waad mahadsan tihiin.

 

 

Waxaan ilahay ka rajaynayaa in uu khayrka Ina waafajiyo, Masiibooyinka aduunka ka dhacayana Inaga duwo.

 

Waxa qoray: Musharax Abdisalam Mohamed H Burale H Ibrahim.

Image may contain: Abdisalam Mohamed Burale, text that says 'MUSHARAXA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BURCO VOTE 2020 KU DOORO KARTI IYO AQOON HAN IYO HIMILO SARAYSA WAX KABADILIDA BAAHIYADA ASAASIGA EE DEGMADA BURCO XIL:CABDISALAAN MAXAMED X.BURAALE'
Image may contain: Abdisalam Mohamed Burale, text that says 'MUSHARAXA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BURCO VOTE 2020 KU DOORO KARTI IYO AQOON HAN IYO HIMILO SARAYSA WAX KABADILIDA BAAHIYADA ASAASIGA EE DEGMADA BURCO XIL:CABDISALAAN MAXAMED X.BURAALE'




Features

  • Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradii Tamarta Oo Jirta Magacaabay 7-Xubnood Oo Madax Ka Noqon Doona Tamarta Dalka.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES