Bulshada Oo U Dheg Taagaysa Natiijada Dagaalka Siyaasadeed Ee Baashe Iyo Faysal Iyo Halka Uu Saldhigan Doono.
Gebo Gebo News

June 2nd, 2020
Bulshada Oo U Dheg Taagaysa Natiijada Dagaalka Siyaasadeed Ee Baashe Iyo Faysal Iyo Halka Uu Saldhigan Doono.

Hargeysa(Gebogebonews)-Waxa taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhex dhalatay guddoomiyayaasha UCID Faysal Cali Waraabe iyo golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

 

 

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay guddoomiye Baashe inuu yahay caqabada hortaagan inay doorashadii golaha wakiiladu dalka ka qabsoonto, waxa kale oo uu eeddo u jeediyay guddoomiye Baashe iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalka Sool.

 

 

 

 

Guddoomiye Baashe oo ka jawaabay eedaynta Faysal, ayaa isna soo qaaday weerar siyaasadeed oo kale, waxaanu guddoomiye Faysal ugu hanjabay in goluhu soo saari doono xeer murashixiinta madaxtinimo ee dalka ka mamnuucaya inay saddex goor u tartamaan

 

 

 

madaxweynenimo.

Guddoomiye Baashe, wuxuu yidhi “Faysal wuxuu ka hadlay doorasho, wuxuu yidhi Baashe wuxuu diiddan yahay in la diwaangeliyo Dadka Sool iyo Sanaag, Anigu doorasho ma diiddan oo waanu rabnaa, wayna dhacaysaa. Aniga iyo Faysal doorasho iskuma hayno, waxaanu isku haynaa wax aanan Anigu shaqo ku lahayn oo ah wax Golaha oo dhami qabeen, Xisbiyada mid walba 21 kun oo dollar baa la siinayey si Xisbiyada loo kobciyo, waxay ku soo beegantay markii Xanuunka Kuududiyuhu dalka haystay, markaa Xildhibaannada waxa u muuqatay inay Xisbiyada ku badan tahay in 21 kun oo dollar la siiyo, markaa Xildhibaannadu waxay garteen in Lacagtaa xisbiyada 50% looga gooyo Cisbitaallada, markaa ta uu faysal igu haystaa waataa, Anigu lacagta kama goynin ee Golaha oo dhan bay u taallay, haddii Ilaahay yidhaahdana Lacagtaasi Miisaaniyadda waa la wada jarayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) wuxuu ku fadhiyaa Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi waayo guddoomiye Faysal, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin.”

 

 

 

 

Hanjabaada guddoomiye Baashe oo aan la garanayn inuu kaga dhabayn doono ayay dad badani la sugayaan furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada oo dad badani sugayaan in la furi doono badhtamaha bishan June.

 

 

Si kastaba ha ahaate, haddii ay golaha wakiiladu hirgeliyaan xeerkaas murashixiinta madaxweynaha ka mamnuucaya inay saddex goor tartamaan, waxa siyaasadda Somaliland ku iman kara isbedel aan la filayn.




Features

  • Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradii Tamarta Oo Jirta Magacaabay 7-Xubnood Oo Madax Ka Noqon Doona Tamarta Dalka.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES