Maxaa Loo Curyaaminayaa Shirkaddaha FLY DUBIA iyo Air Arabia?
Gebo Gebo News

June 3rd, 2020
Maxaa Loo Curyaaminayaa Shirkaddaha FLY DUBIA iyo Air Arabia?

Madaxweyne Biixi, ayaa diiday ergo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland oo madaxweynaha ugu tegay sidii uu shaqadooda ugu fasaxi lahaa labadan shirkadood oo hore xukuumaddu u joojisay in ay ka hawlgalaan Garoomada Somaliland.

 

 

Madaxweyne Biixi, ayaa Ergadan u sheegay in aan labadan shirkadood waddanka ku joogin Sharci balse sarkaal ka tirsan hay’adda Duulista ayaa sheegay in shirkadahani waddanka ku joogaan sharci kuwaas oo la mid ah sharciga ay waddanka ku joogaan Ethiopian Airline iyo Air Jabuuti.

 

 

Labadan Diyaaradood ayaa hore Duullimaadyadooda u joojiyay kadib markii Dawladda Imaraadka Carabtu joojisay dhammaan Duullimaadyada Caalamiga ah ee waddankaasi balse hadda waxa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Biixi, doonayo in shirkadahan uu lugta u qabto shirkadda Ethiopian Airline oo tartan weyni kala dhexeeyo FLY DUBIA iyo Air Arabia.

 

 

 

 shirkadda Ethiopian Airline oo uu wakiil ka yahay Wiil uu abti Ruma u yahay madaxweyne Biixi,  oo lagu magacaabo Cabdiqafaar, ayaa doonaysa in ay si fiican uga faa’idaysato suuqa Duullimaayada oo Kooto uu madaxweyne Biixi ugu xidho sida Ilo xogogaal ah xaqiijiyeen.

 

 

 

Labadan Diyaaradood ayaa hore u diiday dalab uga yimi Dawladda Soomaliya oo ahaa in ay Muqdisho ka hawl-galaan halka Ethiopian Airline aqbashay oo ay hadda ka hawlgasho.

 

 

 

FLY DUBIA iyo Air Arabia ayaa door muhiim ah ka qaatay kobaha Dhaqaalaha Somaliland sidoo kalena haddii madaxweyne Biixi, ku adkaysto go’aankiisa waxa suuragal ah in ay si weyn u dhaawacdo Cilaqaadka Somaliland iyo Imaraadka Carabta iyo weliba mashaariicda waa weyn ee Imaraadku ka wado Somaliland sida Berbera Corridor iyo DP World oo maalgelinaysa dekedda Berbera.

 

 

 

Labadan shirkadood ayaa waxa iska leh Dawladda Imaraadka Carabtab waxana ay u muuqataa in madaxweyne Biixi, cilaaqaadka Imaraadka Carabta ka doorbidayo Lacag gaar ah ee ka soo gasha Diyaaradda uu wakiilka ka yahay wiilka uu Abtiga u yahay ee Ethiopian Airline.

 

 

 

Labadan shirkadood ayaa Somaliland waxa uga hawlgalayay shaqaale badan kuwaas oo weli u xanniban amarka madaxwyne Biixi.

 

 

 

Sidoo kale waxa labadan shirkadood la shaqaynayay ilaa 40 shirkadood oo waddaniya kuwaas ah kuwa Tigidhada jara oo iyana weli xidhan maadaama oo ay ku tiirsanaayeen Duullimaadyada FLY DUBIA iyo Air Arabia.




Features

  • Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Wasaaradii Tamarta Oo Jirta Magacaabay 7-Xubnood Oo Madax Ka Noqon Doona Tamarta Dalka.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES