Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, Qalinkii xildhibaan Mustafe Qodax
Gebo Gebo News

June 13th, 2020
Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, Qalinkii  xildhibaan Mustafe Qodax

Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixilahaa.

 

Looma baahna inay somaliland dhabar jabiso mucaaradka somaliya iyo umada somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.
Ka sakow muddo xileedka dawlada somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto.

 

 

 


Wadahadal kasta oo somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu.
Dhinaca somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan.

 

 

 


Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.

 

Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo.

 

Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale.

 

 

 

 

Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen.




Features

  • Ma Jiro Shacabkii I Doortay Ayaan U Shaqaynaya…” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo U Jawaabay Wasiir Saajin
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES