Wada-hadalka Jabuuti yaa dani ugu jirtaa ? Prof Cismaan Abokor Dubbe
Gebo Gebo News

June 14th, 2020
Wada-hadalka Jabuuti yaa dani ugu jirtaa ? Prof Cismaan Abokor Dubbe

Laba wefdi oo culus ayaa maanta ka soo ambabaxaya Xamar iyo Hargeisa, kuna kulmaya Jabuuti.

 

Kulankaasi wuxu buugaagta taariikhda ku geli doonaa in uu yahay is araggii ugu cuslaa ee taariikhda ay Soomaali isku soo hor-fadhiisato.

 

 

Haddaba: Wada-hadalka waqtigan yaa dani ugu jirtaa:

Waxa laga yaabaa in qolodayadan xisbiyada mucaaradku aannu ku doodno in wada-hadalada xiligani Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbigiisa N&N u yihiin cimri-dherersi iyo faaiido. Shaki kuma jiro in mashruucan Wada-hadalu ku fiicnaa 2018 illaa 2019 (Mid-term kii). Laakiin anigu kulankan maanta ee Jabuuti waxan ka eegayaa dhinaca togan, dan-guud iyo dan-qaran. Qofna dani uguma jirto kala-qaybsanaan iyo kala maqnaan. Sidaa darteed waxan rumaysanahay in xalka iyo dawadu aanu waqti lahayn ee uu yahay marka ugu horraysa ee la’ helo.

 

 

Sida xogaha Diblamaasiyadeed tibaaxayaan Shirkan Jabuuti waa lagu heshiinayaa. Ama ugu yaraan is-fahan weyn baa ka soo bixi doona. Waana suurtagal in marhore laga heshiiyey arimaha masiiriga ah, Guddida Farsamada ee la saari doonaana ay soo tafatiri doonaan heshiiska la saxeexi doono dhammaadka xagaagan.

 

 

Haddaba, faaiidada ugu weyn ee wada-hadalka iyo heshiiska yaa qaadanaya?

 

 

Somaliland:

30 sano oo sidii Siilaanyo iyo Xasan Sheekh uu u sheegay Raisal wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ay Somaliland ku jirtay xaalad “limbo” ama (an intermediate condition) ah sida ummad hawada-dhexe heehaabaysa (Shacab bilaa-State)ah, taas oo sharci yaqaanada caalamiga ahi ay si fiican u yaqaanaan dhibaatadeeda. In taas xal loo helo oo albaab loo furo waa fursaddii labaad ee Somaliland soo marta Rubuc qarni. 1994kii ayay tan oo kale soo martay. President Cigaal ayaa xiligaas New York kala soo laabtay fursad-dahabi ah, laakiin waatii lagu qayliyey. 25 sano kaddib diidmadaa Cigaal lagu diiday fursaddii uu waday waxa laga dhaxlay go’doonka maanta. Iyo sidii Fanaankii Maxamed Mooge hore u sheegay in “hashoodii lagu hormaalo”.

 

 

 

Ma jirto cid shacabka ku nool Somaliland u dammaanad qaadi karta in mar dambe dunida oo dhami Jabuuti isugu iman doonto sidii xal loogu heli lahaa doodda Somaliland, sababta oo ah 30 sano oo horeba cidi sidan oo kale iyo ajandahan weyn oo kale isuguma iman.

 

 

Haddii la odhan lahaa dowladda dambe ha la sugo? Waa su’aal la’ is weydiinayey maalmahanba. Laakiin Dowladda ku xigta tan Farmaajo Waa ayo? Siyaasadeeda wada-hadalka se yaa yaqaan?

 

 

Labadaas su’aalood midna lagama jawaabi karo sababta oo ah waa wax ku maqan xagga Alle.

Weliba, Dad badani Somaliland oo wada socota in lala hadlo waxa ay ka door-bidaan Somaliland oo kala socota ama gobol-gobol iyo Beel-beel ah in lala hadlo. Waana suurtagal haddii fursadahan oo kale la’ lumiyo.

 

 

Dowlad waqtigeedii gebo gebo yahay iyo dowlad cusub oo carcarteedii qabta tee fiican in lala hadlo?

Waxa xaqiiqo ah Dowlad cusubi in aanay ku dhiiran karin arrimo culus oo masiiri ah in ay shaqadeeda ku bilowdo. Laakiin dowladda casarka joogtaa ee sii carraabaysaa waxay rabtaa magac iyo taariikh, waana hubaal in debecsanaanta iyo tanaasulku ku badan yahay dowladda waayo-aragga ah ee waqtigeedu gebegebada yahay. Sidaa darteed Somaliland danteedu waxay ku jirtaa in ay la’ hadasho dowlad iyo madax doonaysa magac iyo taariikh.

 

 

 

Haddii heshiiskani hirgalo billadiisa ugu sarraysa ee dahabka ah waxa qaadan doona Madaxweyne Muuse Biixi oo taariikhda ku geli doona ninkii dadkiisa ferejka u noqday ee u furay albaabka qabka iyo barwaaqada, kana badbaadiyey habqanka iyo gunnimada.

 

 

Sidaa darteed, marka aan arrimahaas oo dhan aan qiimeyno waxa xaqiiqo ah in faaiidada ugu weyn ee heshiiskan ay heli doonto Somaliland.

Haddii ay sidaa tahay Ummadda Soomaaliyeed ee kale maxay ka faaiidaysaa wada-hadalkan?

Muddo dheer labada gacmood ee Jamhuuriyadda Soomaalida way kala maqnaayeen, sababtaas ayay dowladnimadii Soomaaliyeed u hanaqaadi weyday, uguna guuleysan weyday dib u curashadii. Muddo dheer ayay ummadda Soomaaliyeed baryo iyo kalgacal la’ daba socotay bahdooda Somaliland.

 

 

 

Kala maqnaantu waxay Soomaali ku keentay jab, faqri, dowlad taag-daran, iska daba wareeg iyo guul-darrooyin badan. Sidaa darteed Soomaali oo dhan gacmo furan bay ku soo dhoweyn doontaa heshiis, midnimo iyo walaaltinimo. Qofka kasta oo Soomaali ah oo aan la sheekaystaa wuxu igu bilaabayaa midnimo sidee lagu heli karaa; Taasi waa calaamad muujinaysa jacayl iyo walaaltinimo bilaa shuruud ah.

 

 

 

Sidaa darteed, Heshiiska Somaliland waa bilowga guusha iyo Dib u Kabashada qaranka.

Madaxweyne Farmaajona haddii uu ku guuleysto arrinta Somaliland oo tanaasulkiisa awgeed Dalku dib ugu midoobo, shaki la’aan wuxu taariikhda ku geli doonaa Madaxweynihii Midnimada.

Haddii lagu heshiiyo shirka Jabuuti ama ugu yaraan is-fahan ka dhasho, Gebi ahaanba Shacabka Soomaaliyeed waxa u furmi doono mustaqbal iyo rajo cusub oo ay kaga daba tagaan ummadihii dhaafay.

Aan soo dhaweyno wada hadalka. Haddii uu guuleysto dhammanteen waynu guuleysannay. Haddii uu waqtigan ku dhammaan waayana wuxu noqon karaa sees adag oo mustaqbalka wax lagu dul dhiso.

Prof Cismaan Abokor Dubbe
Guddoomiyaha Xisbiga-qaran ee HILOW




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka ka joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud Iyo Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha.
  • UK, Denmark Iyo Netherland Oo Somaliland La Saxeexday Heshiis.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES