Madaxweynaha Somaliland  Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Shacabka Iyo Dawladda Dalka Jabuuti.
Gebo Gebo News

June 27th, 2020
Madaxweynaha Somaliland  Oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Shacabka Iyo Dawladda Dalka Jabuuti.

Hargaysa (Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

 

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka ka joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud Iyo Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha.
  • UK, Denmark Iyo Netherland Oo Somaliland La Saxeexday Heshiis.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES