Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya
Gebo Gebo News

June 28th, 2020
Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

London(Gebogebonews)-Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska waxa lagu qabtay Munaasibad loogu dabbaal-degay Xuska lixdan Guurada Xornimada Somaliland, taasi oo Somaliland iyo guud ahaan Dalalka Dunida ee Shacabka Somaliland ku nool laga xusay Jimcihii la soo dhaafay.

 

Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay.

Xildhibaan Borus A. Nichols waxay sheegtay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Dal, iyadoo sidoo kalena ku hambalyeysay Somaliland, nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo Dawladnimadeeda “Lixdan sanadood ka hor ayay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Somaliland wakhtigaa waxa Aqoonsaday 35 Dawladood oo ay ka mid yihiin 5-ta Dawladood ee joogtada ku ah Golaha ammaanka, 5 Maalmood ka dib, Somaliland waxay la midowday Soomaaliya, wallow haddii aanu nahay Ingiriiska aanaan xilligaa jeclayn inay go’aankaa qaataan (midnimada)..”




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka ka joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud Iyo Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha.
  • UK, Denmark Iyo Netherland Oo Somaliland La Saxeexday Heshiis.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES