Biixi Iyo Farmaajo Oo Dhammaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Dhawaan Ku Kulmi Doona JABUUTI Iyo Xoggaha Laga Helayo.
Gebo Gebo News

June 29th, 2020
Biixi Iyo Farmaajo Oo Dhammaystiray Magacaabista Guddiyada Farsamo Ee Dhawaan Ku Kulmi Doona JABUUTI Iyo Xoggaha Laga Helayo.

Hargeysa(Gebogebonews)-Sida uu dhigayay heshiiskii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ay Jabuuti iskula qaateen, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay wararku sheegayaan in uu dhammays tiray Liiska magacyada Guddi Hoosaadyada uga qayb gali doona Somaliland wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay maalmaha soo socda wajiyadiisa kale dib u bilaabmaan dalka Jabuuti.

 

Ilo wareedyo Xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in Madaxweynuhu diyaariyay xubnaha noqon doona Guddi hoosaadyada farsamo (Technical Sub Committee) ee sii amba qaadi doona wada xaajoodkii aynu la lahayn Somaliland kuwaasi oo dhawaan u safri doona waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb galaan wareegga xiga ee guddi hoosaadyada Farsamo ee sii ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gaar ahaan la xidhiidha arrimaha dib loogu dhigay in kulamadaasi ay guddiyadani ka shawraan.

 

Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi u xushay Liiska Guddiyada wada hadallada Somaliland ee Arrimaha Hawada, Deeqaha Caalamiga ah, siyaasadda iyo waliba Amniga, inkasta oo aanay Madaxtooyadu si rasmi ah u shaacin, haddana wararka hoose ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay tibaaxeen in ay ka kooban yihiin xubno xukuumadda xilal ka haya, xubno ka socda Ururrada Bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan kale kuwaasi oo la filayo in magacyadooda dhawaan si rasmi ah madaxtooyadu u shaaciso.

 

Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Iyana sheegaya in Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu isna dhiniciisa ka diyaarsaday guddida u matali doonta wareegyadaasi kale ee dalka Jabuuti ka qabsoomi doona maalmaha soo socda sidii ay ballantu ahayd.

 

Guddiyadan labada dhinac ka kala socda ayaa waxa ay noqon doonaan kuwo ka wada xaajooda saddex Arrimood oo lagu faahfaahiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ugu dambeeyey kuwaasi oo kala ah:

 

  1. Guddida wada xaajoodka ee ka wada hadali doonta sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u qaybsanayaan kaalmooyinka dhaqaale, iyo gargaarka caalamiga ah ee lagu soo bixiyo magacii Soomaaliya.
  2. Guddida ka wada xaajoon doonta Arrimaha Hawada
  3. Guddida sidoo kale Iyana ka wada hadli doona Arrimaha Nabad galyada

Waxaana xusid mudan in dhammaanba guddiyadaasi la qorsheeyey in ay muddo 15 Maalmood ah kadib kulmaan laga soo bilaabo maalintii war murtiyeedka laga soo saaray shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay Waddanka Jabuuti.




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka ka joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud Iyo Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha.
  • UK, Denmark Iyo Netherland Oo Somaliland La Saxeexday Heshiis.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES