Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay.
Gebo Gebo News

June 29th, 2020
Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
  2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
  6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Dawladaha Hoose Ee Dalka ka joojisay Bixinta Dhulka Danta Guud Iyo Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha.
  • UK, Denmark Iyo Netherland Oo Somaliland La Saxeexday Heshiis.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES