Xoogaysiga Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland Qalinkii Kaysar Maxamed
Gebo Gebo News

July 1st, 2020
Xoogaysiga Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland Qalinkii Kaysar Maxamed

 

Asalaamu Calaykum

Marka hore waxaan aad u hambalyaynayaa Xidhiidhka sii kobcaya siina koraya ee u dhexeeya labada Dal iyo labada shacbi ee qadiyada gaarka ah wadaaga. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa Geesiyaashii xidhiidhkan sanadaha badan ka soo shaqaynayay ee ay ka midka ahaayeen Amb Ali Adam Cawaale, Amb Ayaan Cashuur, Amb Baashe Cawil, Amb Muniir Abu Zite iyo masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Debada ee imika xilka haya iyo kuwii ka horreeyayba oo si hoose iyo si muuqataba hawshan u dhirraan-dhirrinayay ugana shaqaynayay sanado badan.

 

 

Somaliland oo uu Albaabkeedu u furan yahay cid kasta oo wax la qabsanaysa, waxaa ku waajib ah inaanay cidna uga habrran ugana sheexin ama ku xaq dhowrin cidii ay xidhiidh la samaysanayso ee ay danaheeda ka dhex aragto, waana muhiim in ay Somaliland yeelato ku dhac iyo dhiirranaan ay ku beegsato meel kasta oo ay danteedu ku jirto.

 

 

Waxay ahayd bishii June ee sanadkii 2018 markii Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Debada Somaliland Mudane Liibaan Yusuf iyo Anigu aanu kulan balaadhan kula yeelanay magaalada Brussels ee xarunta Dalka Belgium Safiirka Dalka Taiwan u jooga Midowga Yurub Ambassador Harry Tseng. Safiirka Dalka Taiwan waxa uu Somaliland tusay waji fiican iyo inay diyaar u yihiin inaynu wax wada qabsano.

 

 

Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Masuulka uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay inuu Wakiil inooga noqdo Dalka Taiwan, waa Masuul karti iyo aqoonba leh oo aan hubo inuu door weyn ka qaadan doono xoojinta xidhiidhka labada Dal iyo labada Ummadood ee Somaliland Iyo Taiwan, waxaanan Allah ka baryayaa inuu xilkaas u fududeeyo. Aamiin.

Sawirrada hoose waa Safiirka Taiwan u fadhiya Midowga Yurub Iyo Dalka Belgium oo Wasiir Liibaan Iyo aniga nagu soo dhaweeyay Safaarada Taiwan ay ku leedahay magaalada Brussels ee Dalka Belgium 28/06/2018.

 

 

Image may contain: 2 people, including Kaysar Maxamed, suit

Image may contain: 3 people, including Kaysar Maxamed, people standing

Image may contain: 3 people, including Kaysar Maxamed, people standing and suit




Features

  • Mudarahaad Laga Soo Horjeedo Xukun Laga Soo Sooray Eedaysanayaal Kufsi Ugeystay Gabadh Yar Oo Ku Jirtay Xarunta Agoomaha Hargaysa Oo Ka Dhacay Qorilugud.
  • Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Loogu Sameeyey gobolka Daad-madheedh iyo Deegaanno ku Teedsan
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES