“Xidhidhka u bilaabmay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan si kala duwan ayey uga faa’iidi doonaan JSL iyo Somaliya labaduba Qalinkii Cali Hassan
Gebo Gebo News

July 2nd, 2020
“Xidhidhka u bilaabmay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan si kala duwan ayey uga faa’iidi doonaan JSL iyo Somaliya labaduba Qalinkii Cali Hassan

Taiwan, iskasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn, hadana waxay dunida ula macaamishaa si ka wanaagsan badi dawladaha la aqoonsan yahay. Taiwan dadkeedu waa 23 milyan waana wadan dhaqaalihiisu uu xoog leeyahay, kaalinta 22aad ayey kaga jirtaa dhaqaalaha dunida, taas ayaa keentay in ay dunida kaga qiimo sarrayso dawlado fara badan oo Qaramada midoobay xubin rasmiya ka ah.

Sidee Somaliland uga faa’iidaysaa?

Maadaama oo Taiwan dhaqaaleheedu sidaa u xoog wayn yahay, waxay JSL wax kala qaban kartaa dhinacyada waxbarashada, kaluumaysiga iyo ganacsiga, waxa kale oo ay tababaro siin kartaa hay’adaha amniga sida booliska waxaa kale oo lays dhaafsan karaa gacansi. Intaa waxaa dheer dhinaca siyaasada oo Taiwan waxaa ay galaangal xoog leh ku leedahay fagaara yaasha caalamka taas oo labada dhinac iska kaashan karaan. Dhinaca kale, Somaliland oo ku taala goob istaraatiji ah, Taiwan waxay u noqon kartaa marin ay ka soo gasho geeska Afrika iyo Afrikaba.

Sidee ayey Somaliya uga faa’iidaysaa?

Maadaa oo dal-waynaha Shiinuhu aanu ogolayn cid si toos ah ula macaamisha Taiwan oo uu ku doodo in ay tahay qayb ka mid dalka Shiinaha laga soo bilaabo 1949, waxaa hubaal ah in uu dhaqdhaqaaq sidii hore ka badan ka bilaabi doono Somaliya iyo SOMALILAND ba. Shiinuhu wuxuu xidhiidho sidii hore ka badan la samayn doonaa DFS, waxaanuu culays ku saari doonaa Dawlada Somaliya in ay ka hadlaan arinkaa. DFS waxay shiinaha ku odhan doonaan ” Arinkaa anaga nagu hallee” Wasiir Cawed canbaarayntiisii iyo shirarkiisii jaraa’id ayaa bilaabmi doona halkaa dabadeed shiinuhu wuxuu siin soonaa waxoogaa kaalmo ah.

Haday u muuqan waydo dawlada Shiinaha wax midho dhal ah oo DFS ka keentay, waa suura gal in Shiinuhu uu Somaliland ula soo xidhiidho sidii hore si ka wayn.”




Features

  • Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES