Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Daahfuray Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka Dalka Ee (BBG)
Gebo Gebo News

July 6th, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Daahfuray Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka Dalka Ee (BBG)

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray daahfurka Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka dalka, labadan xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf Vehicle Inspection oo ku kala yaalla Bariga iyo Galbeedka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Guud ahaan Lixda Magaalo ee waa weyn ee dalka ayaa laga hirgeliyey Goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiid si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta loogana hortago Shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah.

Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka ayaa hore guddida qandaraasyada qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood kuwaasi ka tartamay Gobolada waa weyn ee Waddanka, xarumahan cusub ee uu maanta daahfuray Madaxweyne ku xigeenku ayaa noqon doona hadda laga bilaabo kuwo lagu hubiyo islamarkaana lagu baadho gaadiidka isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi, waxaanay tanni ka qeyb ka tahay horumarka waddanku ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xaflaasi halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka talaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkada muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo Madaxweyne ku xigeenku fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda si looga badbaado khasaaraha shilalka Gaadiidku ay geystaan.

 

 

 




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES