Xiisad Saaka Ka Taagan Degaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer.
Gebo Gebo News

July 6th, 2020
Xiisad Saaka Ka Taagan Degaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer.

Buuhoodle(Gebogebonews)-Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaano hoostaga Magaalada ee Buuhoodle ee Gobolka Togdheer oo shalay dagaal xooggan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas ka wada-dega.

Dagaalkan u dhexeeyay Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu salka ku haaya arrimo la xidhiidha dilal aano qabiil ah oo horey u dhacay, waxaana sigaar ah uu uga dhacay dagaalka deegaan lagu magacaabo Horufadhi, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Horufadhi oo labada dhinac, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaaddheen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maanta xiisad dagaal laga dareemayo deegaanka Horufadhi iyo tuulooyin kale oo ku teedsan, taasi oo u dhexeeysa Maleeshiyaadkii dagaalamay, waxaana la sheegayaa in dhinacyada ay wadaan dhaq-dhaqaayo Ciidan.

Dhinaca kale waxaa socda dadaadlo kala duwan oo ay wadaan Odayaal dhaqameedyo iyo Culimo, iyagoo ku doonaya dadaalada inay ku joojiyaan Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Horufadhi ee hoostaga Magaalada Buuhoodle.

Dhow jeer oo hore ayaa waxaa deegaano hoostega Magaalada Buuhoodle ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, wallow markii dambe dadaalo la sameeyay heshiisyo laga gaaray Colaadaas.




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES