Wada-hadalladii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Baaqday.
Gebo Gebo News

July 8th, 2020
Wada-hadalladii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Baaqday.

Hargeysa(Gebogebonews)- Waxa baaqday Shir Magaalada Jabuuti Toddobaadkan uga furi lahaa Guddiyadii farsamo ee loo xulay inay sii wadaan Waxyaabihii lagaga Wada-hadlay Shir-madaxeedkii Somaliland iyo Soomaaliya ugu soo gebogabeeyay Dalka Jabuuti.

 

 

Saddex Guddi oo loo xulay inay ka wada-hadlaan Arrimaha Saldhigga u ahaa Wada-hadallada, gaar ahaan Qodobbadii lagu heshiiyey ayaa Qorshuhu ahaa inay Sabtidii Toddobaadkan isku hor-fadhiistaan Magaalada Jabuuti, laakiin wuu baaqday Shirkaasi.

 

 

 

Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya u soo xuleen inay sii wadaan Wada-hadallada ayaa Qorshuhu ahaa inay Jabuuti ku kulmaan 15 Maalmood ka dib, taasi oo ka soo bilaabmaysay 18-kii Bishii June, 2020 oo Jabuuti la soo gebogabeeyay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay goob-joogga ka ahaayeen labada Madaxweyne, hase-ahaatee kulankan oo ku beegnaa Sabtidii la soo dhaafay ayaan suurto-gelin.

 

 

 

Ilaa hadda ma Cadda Sababta baajisay kulanka ay Jabuuti ku yeelan lahaayeen Guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin baaqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya Toddobaadkan hawada ka celisay diyaarad ku soo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa, taasi oo la Qiyaasi karo inay dhalin karto Xurguf siyaasadeed ee cusub.

 

 

Dhinacyada Arrintani khusayso ayaan illaa hadda wax yar ah ka soo saarin sababta keentay baaqashada.




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES