Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.
Gebo Gebo News

July 10th, 2020
Maraykanka Oo Taageeray Xidhiidhka Somaliland Iyo Taywan.

Hargeysa(Gebogebonews)-Maraykanku wuxuu taageero u muujiyay xidhiidh cusub oo dhawaan u bilaabmay Somaliland iyo Dalka Taywan, waana markii ugu horaysay ee uu arintan ka hadlo.

Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in wax wayn ay tahay in Taywan ay xulafo kale hesho. Maraykanka ayaa xusay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka ay Taywan la yeelanayso Bariga Afrika oo uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa.

Tallaabada xukuumadda Washington ayaa mar kale wiiqi karta xidhiidhka ka dhaxeeyay xukuumadda Beijing oo marar badan oo hore ay isku qabteen arinta Taywan.

 

 

Maraykanka ayaa taageero siiya jasiiradda aan aqoonsiga haysan, balse dhaqaalaha leh ee Taywan, taas oo keentay in Shiinuhu uu si wayn uga biyo diido taageerada Maraykanka oo uu u arko faragalin dhulkiisa uu ku sameeyay. Shiinuhu wali kamuu hadal arintan.

 

 

Somaliland iyo Taywan waxay isu magacaabeen wakiilo kala matali doona labada dawladood, arintaas oo Shiinaha iyo Soomaaliya ka cadhaysiisay.




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES