July 11th, 2020
Muruq Maal La Minjo Xaabiyay Waa Xadaarad Ay in Badan Soo Wadeen Dadka Timo Jarayaasha Ah Ama Rayiislayaashu Hadba Saad Utaqaano Taasoo Hada Si Caadi Ah Ay Noqotay in Dad Ganacsato Ah Oo Aan Hore Xirfadan Ugu Shaqaysanjirini Ay iba Fureen Goobo Ay Mulkigeeda Leeyihiin Oo Dadka Timaha Lagaga Jarayo Ama Lagaga Xiirayo Kuwaasoo intooda Badan Ay Ka Hawlgalaan Dad Ubadan Ajaanib Sida Xabashi Oromo iwm Ganacsade Muquuranaya iyo Muruqmaal La Minjo Xaabiyay Waa Hab Dhaqan Ganacsiyeedkaa Oo inagu Cusub Ka Bulsho Ahaan Shaqo Waa Sharaf
Timojarista Oo Ka Mid Ah Shaqooyinka Joogtada Ah Ee Aadamuhu Ugu Baahida Badanyihiin inta Badan Ayaa Sida Lawada Ogsoonyahay Bulshadeena Qaybo Ka Mid Ahi Waxay Noloshooda Qarniyo Ka Awoow Ka Awoow Quutal Daruuriga Kala Soo Baxayeen Timo Jarista, Waxaanay Ahaayeen Dad Shaqadan Kafaalo Qaatay Una Dhabar Adaygay Xumaan Iyo Wanaagba Sanadihii Udanbeeyay Magaalooyinka Somaliland Waxa Soo ifbaxday in Lagu Soo Duulo Shaqadan isla Markaana Ay Dad Ganacsato Ahi Furtaan Goobo Dadka Timaha Loogu Jaro Iyagoo Fursada Shaqaalenimo Siinaya Dad Aan Muwaadiniin Ahayn Oo Badankoodu Udhashay Dalka Ethopia Waxa Wax Laga Xumaado Ah in Muwaadiniin Xirfada Kaliya Ee Ay Lahaayeen Lagu Cidhiidhiyo Halkii Fursado Maalgashi Lasiin Lahaana Halkoodiina Lagu Buuxiyo Dad Aan Muwaadiniin Ahayn Arinta Aadka Uyaabka Badani Waxay Tahay Ganacsatadan Ama Muwaadiniintan Ku Cusub Ka Ganacsiga Xirfadan Iyo Ku Shaqaysiga Goobahan Ay Mulkigeeda Leeyihiin Ayaa Ah Kuwo Ka Khashaafaya Inay Yihiin
Mulkiilayaasha Timajarahan Ama Goobtan Timaha Lagu Jarayo ( Barber Shop ) Taasoo Noqonaysa Ama Umuuqata Rayiisle Niqaaman Waxaana intaa Dheer in Fursadaha Shaqaalenimo Ay Siinayaan Ganacsatadani Dad Aan Muwaadiniin Ahayn Taasoo Ah Tacadi Iyo Talaabo Xun Oo Deris Unoqotay Muwadiniin Xirfadani Ay U Ahayd Shaqo Ay Ka Xoogsadaan Sidoo Kalena Manafacaadsadaan Marba Marka Kasii Danbaysa Waxa Soo Badanaya Furitaanka Goobaha Timaha Lagu Jaro Oo Ay Mulkiilayaal Ka Yihiin Dad Ubadan Qurbajoog Iyo Qol Qoljoog Kuwaas Oo Shaqaalaysiinaya Shaqaale Aan Muwaadiniin Ahayn Taasoo Rajo Xumo Ku Keenaysa Bulsho Iyo Aadame Muwaadiniin Ah Oo Noloshooda Ku Kafaynjiray Xirfadan Qarniyo Badan Mohamed Ali Bakeeri