Somaliland Iyo Taiwan Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhaweeyey Qoraal Ka Soo Baxay Golaha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka.
Gebo Gebo News

July 11th, 2020
Somaliland Iyo Taiwan Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhaweeyey Qoraal Ka Soo Baxay Golaha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka.

Hargeysa(Gebogebonews)-Dowladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), ayaa si diiran u soo dhaweeyey qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka (National Security council ‘NSC’) oo lagu ammaanay xidhiidhka dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo qoraalka Maraykanka lagu caddeeyey in xidhiidhka Taiwan ka bilawday Bariga Afrika uu yahay mid yimid xiligii loogu baahida cuslaa.

 

 

Qoraallo lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga Taiwan maanta (10 July 2020), waxa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin qoraalka lagu bogaadiyey xidhiidhkooda ee ka soo baxay dowladda Maraykanka, waxayna Somaliland iyo Taiwan iftiimiyeen inay labadooda waddan xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Maraykanka.

 

Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo ka midaysan inay caalamka ka helaan aqoonsi buuxa oo dhinac walba ah, waxayna hadda si fiican oo u gaar ah ula macaamilaan, heshiisyo iskaashina la galaan dalal badan oo adduunka ah.

 

Dowladda Maraykanku waxay muddooyinkii u dambeey wax weyn ka beddeshay siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha khuseeya danahooda qaran, amni iyo dhaqaale, waxayna calaamadiyeen in dalka Shiinuhu yahay cadawga koowaad (enemy number one) ee danaha Maraykanka, waxaannu Shiinuhu kaalintaas koowaad ka cidhiidhsaday kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo dalal kale oo Maraykanku u aqoonsan yahay inay halis ku yihiin dalkooda, sidaa darteed dagaalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale waxay ku jiheeyeen dhinaca Shiinaha, weliba meelaha sida gaarka ah loogu dagaalamayo waxa ugu mihiimsan qaaradda Afrika, taasina waxay keenaysaa in dagaalkaas u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku uu faa’iido u noqdo Somaliland iyo Taiwan, balse waxa dawladda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa hannaanka dowladnimo iyo ku-dhaqanka sharciga, lagana fogaado qabyaaladda iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara ka midho-dhallinta qaddiyadda aqoonsiga iyo horumarka dalka Somaliland.




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES