Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somaliland.
Gebo Gebo News

July 29th, 2020
Hoos U Dhac Ku Yimi Suuqa Kala Iibsiga Xoolaha Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ku saabsana munaasibada Ciidul Adxada ayaa   laga dareemaya badi Sayladdaha xoolaha ee Somaliland.

 

 

 

Meelaha sida weyn diyaar garowga saxmadda Ciidu uga muuqaneyso waxaa ka mida Sayladda xoolaha ee magaalada Hargeysa, sicirka lagu iibinayo xoolaha gaar ahaan Adhiga ayuu hoos u dhac ku yimid.

 

 

 

Sannad walba marka la gaadho wakhtigan oo kale ee ay maalmo koobani ka hadhsan yihiin Ciida Arafo waa wax iska caadiya in isbadel uu ku yimaado qiimaha la kala siisanayo xoolaha noocyadooda kala gaddisan, balse sannadkani waa uu ka duwan yahay sannadihii la soo dhaafay taasi oo ay sabab u tahay xannuunka safmarka ah ee Covid-19 oo hoos u dhigay dhaqaalihii dalka iyo dadka,  iyada oo aanay jirin xoolihii dhoofi jiray.

 

 

 

 

Dhanka kale dadka xoolaha ka ganacsada ee soo iibsadda dibna u sii iibiya ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid iibka xoolaha uu saameyn ku yeeshay xoolahooda taasina ay sababtay in macaashkii ay heli jireen uu yaraado “Xoolaha waala iibsanaya, kuwa waala celinayaa, xooluhu waa iska sicir suuq xoolaha waanu soo iibsanaa mukhaarish lacag aan nagu aheyn mararka qaaar waanu siinaynaa, mararka qaarna waa naloo gaadhaa sidii ay ahaan jirtay Sayladu iibku imika aad ayuu uga hooseeyaa waxaana sabab u ah xannuunada soo kordhay iyo waddamada kala xidhan, Wanka weyn ee aanu markii hore siin jirnay 120-dollar imika 80-dollar ayaanu siinaynaa, waa Ciid jawigu waa uu fiican yahay balse sidiisii looma gaadhayo wakhtigaana sababay”

 

 

 

 

Maxamed Diiriye Jaamac kana mida dadka u soo xoolaha doontay Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, si uu neef maalinta Ciida uu qasho uu uga iibsado ayaa ka waramay sicirka laga siiyay neefkaasi “Wananka iyo Iduhu waa ay kala duwan yihiin xagga iibka sababto ah Wananka boqol dollar ayaa ugu yar, balse laxdan waxaa la’iga siiyay lix boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah, waa ILLAAHEY mahadii, carruurtana waan u qalayaa Jidka Siraadna waxaan doonayaa in aan fuulo oo ay igala baxdo ayaan doonayaa Wanka iyo Laxduna waa isku mid xaga diinta oo in aad wuxuun qasho ayaa la doonayaa, ciyaalku waa ay ku farxi doonaan marka aan dhex geeyo hadii ILLAAHEY yidhaaho, xoolihii Sucuudiga u dhoofi jiray ayaan jirin waana ta sababtay in ay xooluhu jabaan”

 

 

 

 

“Geeli wixii soo galay Saylada si fiican ayaa loo iibsaday oo wax foofay ma jiro, geelana neef iyo sararkii ayaa la iibsanayaa, kuwa dhaqmaadka ahi iyagu waa qaali, kuwa hilib ahaantuna iyaguna waa qaali, ma xuma suuqa kala iibsiga geela ee sayladu”Ayuu yidhi mid ka mida dilaalinta geela iibisa ee Saylada magaalada Hargeysa maalin aad u baahan tihiin ayaad heli doontaan




Features

  • Koomishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Xiliga Ay Qabanayaan Doroshoyinka Deeganka Iyo Wakiilada.
  • Fayrus Cusub Oo U Faafa Sida Coronavirus Oo Laga Helay Dalka Shiinaha.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES