Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.
Gebo Gebo News

August 10th, 2020
Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Waxa siyaabo xaqiiqada ka fog loo marin habaabiyey, loogana been sheegay shirkii Jaraa’id ee uu 7-dii Bishan ku qabtay Addis ababa Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dini Mufti oo uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Telefishanka Aljazeera ayaa ka mid ahaa Warbaahintii sida xaqiiqada ka fog u turjuntay Hadalkii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ay baahisay in inuu Somaliland ku tilmaamay qayb ka mid ah Soomaaliya, taasi oo gabi ahaanba aan ku jirin hadalka masuulkaas.

 

 

 

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey in weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax Itoobiya dhib ku ah.”

 

 

 

Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn xor bay u tahay Masar inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.”

Madaxa Qaybta Axmaariga ee Radio Hargeysa Maxamed Mukhtaar Cismaan ayaa u soo turjumay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES